4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Wararkii ugu dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Talaado, May 01, 2012(HOL): Qaraxan oo ay ku dhinteen Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar iyo Xildhibaan C/weli Shiikh Maxamed Aw-MaxamuudMaxamuud oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay Siyaasiga Axmed C/salaam Xaaji Aadan oo horay uga soo noqday Ra’iisal Wasaare ku xigeen iyo Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Xuseen Samatar iyo Xildhibaan C/risaaq Isaaq Biixi.

Xildhibaannada geeriyooday iyo Axmed C/salaam Xaaji Aadan waxay dhawaanahan ku sugnaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, waxayna horay u booqdeen Degmada Cabuudwaaq iyo deegaanka Xeraale.

Xildhibaan C/rashiid Shiikh Siciid oo la socday wafdiga la qarxiyay ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u xaqiijiyay in  iyagoo ka yimid Cabuudwaaq, isla markaana ka qaxweynaya meel Maqaayad ah ay mar kaliya ka war heleen qarax xoog badan, kaasi oo markii ay uuradiisii dantay ay arkeen Xildhibaan C/weli Shiikh Maxamed Aw-Maxamuud oo geeriyooday iyo Xildhibaano kale iyo siyaasiga Axmed C/salaam oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

“Xildhibaan Yuusuf Seeraar oo dhaawac culus qabay waxaa uu u geeriyooday dhaawacaas, waxaa kale oo dhaawaciisa daran yahay Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar, laakiin Xildhibaan C/risaaq Isaaq Biixi iyo Axmed C/salaam dhaawacoodu ma darna”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Shiikh Saciid oo sheegay in qofkii isku qarxiyay ay rumeysan yihiin in uu ka tirsanaa Al-shabaab.

Xildhibaan C/rashiid oo sii hadlayay waxaa uu ka codsaday Dowladda Soomaaliya in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto dadkaas dhaawaca ah, wuxuuna ku celceliyay in aaney dowladda yareysan dadka dhaawacyada qaba, waayo buu yiri dhaawacyada qaraxyada ka dhasha waa dhib badan yihiin sida midkii ka dhacay Tiyaatarka oo dad ku dhaawacmay ay dhaawacyadaas u geeriyoodeen.

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa cambaareeyay ciddii qaraxan ka dambeysay oo uu ku tilmaamay argagixiso ka soo horjeedda nabadgelyo iyo dib-u-heshiisiin laga gaaro mushkiladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu intaas ku daray in xildhibaannada qaraxaas ku dhintay iyo siyaasiyiinta la socotayba ay gobolka Galgaduud u  joogeen arrimo dib-u-heshiisiin ah, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda aad uga murugeysan geerida ku timid Xildhibaannadaas, isagoo dhinaca kalena sheegay in mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee qaraxaas ku dhaawacmayba ay dowladda gacan ka geysan doonto sidii dhaawacooda gurmad deg deg ah loogu sameyn lahaa.

Ugu dambeyntiina, Mas’uuliyadda Qaraxan waxaa sheegatay Xarrakada Al-shabaab oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo maamullada ay gacan-saarka leeyihiin, wuxuuna qaraxan noqonayaa mid bil gudaheed loo geysto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]