Maamulka Dooxada Shabeelle oo ka hadllay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay Beledweyne

Axad, Maarso, 04, 20120 (HOL) – Kadib markii 24-kii saac oo aynu ka soo gudubnay magaalada Beledweyne ay ka dhaceen dilal siyaabo kala duwan u dhacay, ayaa waxaa arintaa ka warbixiyay mas’uuliyiinta maamulka Dooxada Shabeelle ee xiligan maamula magaalada.

Col Isaaq Cali C/dulle oo ah ku-simaha madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeelle ayaa sheegay in ilaa afar ruux oo sadax ka mid ahaayeen rayid halka mid ka mid ahna uu ahaa askari ka tirsan maamulka ay dhinteen saacadihii aynu soo dhaafnay, waxaana uu intaa ku darray in dadka rayidka ah dhamaantood ay dileen wax uu ku sheegay kooxaha argagixisada.

‘’Sadax ruux ee rayidka ah waxaa dillay kooxihii argagixisada Al-shabaab,’’ qofka kalana waxaa uu ka tirsanaa ciidamada isaga oo ku baxay ismaadhaaf soo kala dhaxgalay ciidamada, wax kale oo dhibaato ah oo
dhinaca nabad-galyada ka taagan ma jiraan ayuu yiri,’’ Col Isaaq Cali C./dulle.

Waxaa uu intaa ku darray in ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle ku howlan yihiin sidii ay u soo celin lahaayeen nabad-galyada guud, lana dajiyay qorshayaashii arintaa la xiriira.

‘’Maalmaha soo socda dad ku dhaqan magaalada isbadal ayeey dareemi doonaan dhinaca nabad-galyada, ah qorshaha arintaa ku aadan gacanta ayaan ku heynaa, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana amaanka looga howlgali doonaa,’’ayuu yiri Col Isaaq.

Mar wax laga weydiiyay xayiraada saaran wali dhaq dhaqaaqa magaalada, gaar ahaan saacda hore waxaa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay sugaan oo kaliya wada dheer ee dhaxmarta, xiliyadaa oo ay biyo ka dhaansadaan gudaha maagalada, waxaana uu intaa ku darray in guud ahaaba isku socodka kale ee magaaladu yahay mid iska caadi ah.

Hadalka ka soo baxay maamulka Dooxada Shabeelle ayaa ku soo beegmaya xili 24 saac aynu soo dhaafnay siyaabo kala duwan loogu dillay gudaha magaalad Beledweyne dad rayid u badnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.