4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Madaxweynaha Galmudug oo kasoo horjeestay in Garoonka Gaalkacyo loo bixiyo Garoonka Diyaaradaha C/llaahi Yuusuf

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi la hadlya warbaahinta Muqdisho ayaa kasoo horjeestay codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in garoonka Gaalkacyo loo bixiyo garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.

Mudane Caalin, wuxuu sheegay in madaxweynaha Somalia uusan awoond u lahay inuu magac u bixiyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, isagoo sheegay in arrintan ay u muuqato mid la isaga horkeenayo maamulada Galmudug iyo Puntland.

"Garoonku waa mid warkiisu weli taagan yahay wax heshiis ah oo rasmi ahna aan laga gaarin. Gacanta ay Puntland ku hayso garoonkana ma ahan inay sidii ay doonaan ka yeeli karaan," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale, mudane Caalin wuxuu sheegay in garoonka Gaalkacyo aan loo bixin karin magac aanay isla ogeyn iyaga iyo Puntland, isagoo ku tilmaamay ciddii magac u bixisa inay qaldan tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa shalay codsaday in loogu magac-daro garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo marxuum C/llaahi Yuusuf, maamuusna looga dhigo howshii uu u soo qabtay dalka intii uu noolaa.

Dhanka kale, madaxweyne Caalin ayaa wuxuu sheegay in maamulkiisa oo ka mid ah maamulladii saxiixay heshiiskii Roadmap ee lagu gaaray Muqdisho aan lagu soo wargelin shir ka dhacaya Gaalkacyo oo looga hadyo qodobbada Roadmap-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya