4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Iska-hor Imaad Ciidamada Isbahaysanaya iyo Xarakada Al-shabaab Ku Dhex-matay Duleedka Degmada Afmadow

Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Iska-horimaadkan ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay saaka weerareen fariisimo ay ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Iska hor imaadkaan oo qaatay saacado kooban ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Masuulyiinta dowladda ee ku suggan degmada Afmadow oo aan isku daynay inaan wax ka weydiino khasaaraha ka dhashay iska-hor imaadkan ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan.

Goobjoogayaal madax banaan oo ku suggan degmada Afmadow ayaa HOL u xaqiijiyay in labo qof oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay ay ku geeriyoodeen iska horimaadka saaka ka dhacay duleedka Afmadow.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda KMG ayaa saaka aroortii magaalad ka bilaabay howllgalo ay amaanka ku xaqiijinayaan, iyadoona howlgalladaasi ay kusoo qabqabteen tiro dad ah oo ku eedeeysan in ay katirsanyihiin xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya