4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 8 , 2012
Odayaasha Dhaqanka oo laga codsaday inay door ka qaataan Wadahadallo dhex-mara DKMG ah iyo Somaliland

Jimco, June 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida inay gacan ka geystaan wadahadallo dhexmara dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Shariif Sheekh oo odayaasha dhaqanka kula kulmay madaxtooyada ayaa xusay in aan marnaba la xallin karin mashaakilka Soomaaliya ka jira haddii aan la wadahadlin loogana baahan yahay odoyaasha dhaqanka inay door ka qaataan wadahadallo lagu soo celinayo midnimada Soomaaliya.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad gacan ka geysataan sidii wadahadallo ay u dhex-mari lahaayeen DKMG ah iyo Somaliland, waan soo dhaweynaynaa fikir walba oo aad soo-jeedisaan," ayuu Shariif Sheekh u sheegay odayaasha dhaqanka.

Dowladda KMG ah Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxay horay ugu shaaciyeen inay yeelanayaan wadahadallo ay uga hadlayaan mustaqbalkooda, kaddib go’aan arrintan ku saabsan oo kasoo baxay shirkii arrimaha Soomaaliya looga hadlay ee ka dhacay London bishii Feberaayo sannadkan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ka go’an tahay dowladda KMG ah inay la furto Somaliland wadahadallo, inkastoo Somaliland ay horay u qaadacday wadahadallada, iyadoo sheegtay in guddiga ay DKMG ah saartay ay ku jiraan xubno u deegaannada ay ka taliso kasoo jeeda.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo dhaweeyay hadalka madaxweynaha Soomaaliya, iyago xusay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dadaal walba oo nabad looga dhalinayo Soomaaliya.

Kulammada dhexmaraya odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa socday laba casho, iyadoo maalin ka hor uu madaxweynuhu ku booqday odayaasha halka ay deggen yihiin, isagoo ku boorriyay inay soo xulaan ergadii ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaannada baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya