4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Munaasabad qalab Isboorti lagu guddoonsiiyay xulka kubada cagta Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Beledweyne


Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Munasabad kooban oo ay ka soo qeyb-galeen guddiga ciyaaraha gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxaa agab Sport lagu guddoonsiiyay xulka kubada cagta gobolka Hiiraan.

Agabka la guddoonsiiyay xulka kubada cagta gobollka Hiiraan oo isugu jiray Funaanado dhameystiran, iyo kubadaha lagu cayaaro ayaa ka timid koox lagu magacaabo White Star oo ka dhisan dalka Britian.

Xusseen Aadan Tooxow oo ka wakiil ahaa kooxda agabka soo dhiibtay oo ka hadllay munaasabada ayaa ugu siweyn uga mahad celiyay guddiga Sportiga gobollka Hiiraan dadaalka dheeraad ah oo ay ku bixinayaan sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Sportigii gobollka Hiiraan, isaga oo sheegay in qalabkan dhiirigalin weyn u noqon doono xulka kubada cagta gobollka Hiiraan.

"Kaliya ma’aha in kaalmadu intan ku ekaan doonto, sidoo kale waxaa dhawaan soo gaari doona kooxda kubada cagta gobollka Hiiraan qalab kale oo Sport oo hadaba gacanta lagu hayox,’’ ayuu yiri Xuseen Muumin Tooxow.


Waxaa kaloo uu sheegay in qorshuhu yahay dhismaha xarun lagu tababaro sida uu hadalka u dhigay dhalinyarrada da’doodu ka hooseyso ilaa 18 sano, kuwaasoo u baahan in lagu soo bar baraayo cayaaraha.

Max’ed C/llaahi Buraalle ‘Raaxeeye’’ oo ah macalinka xulka kubada cagta gobollka Hiiraan oo agabka guddoomay ayaa uga mahad celiyay kooxda White Star ee ka dhisan dalka Britian deeqda ay soo gaarsiiyeen, waxaana uu intaa ku darray in qalab ay heleen wax weyn ka tiri karo diyaar garow adag oo ay kooxdu ugu jirto sida uu sheegay cayaaraha gobollada la filayo in ay ka furmaan magaalada Muqdisho.

Xassan Xaaji Cumar oo ah guddoomiyaha kubada cagta degmada Beledweyne oo isagana ka hadllay munaasabada ayaa sheegay in qurba joogta looga baahan yahay dhiiri-galin ay u sameeyaan xulka kubada cagta gobollka, si dib loogu soo nooleeyo ayuu yiri taariikhdii uu gobollku ku lahaa guud ahaanba Sprotiga dalka.

Munaasabada oo aheyd mid siweyn looga mahad celiyay kooxda agabka soo dhiibtay ee White Star ayaa qeybihii kale ee ka hadllay waxaa ka mid ahaa odayaal Sport oo uu ka mid ahaa Axmed Warsame C/dulle, waxaana ay dhamaantooda sheegeen in kaalmooyinka noocan oo kale ah sare u qaadi karaan mooralka iyo niyada cayaartooyada iyo gudiga ku howlan dib u soo nooleynta Sportigii gobollka Hiiraan.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya