4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo geystay Khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay saddex qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax goor-dhaweyd ka dhacay bartamaha suuqa degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qaraxan oo aan la ogeyn waxa loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u dhawaaq weyn, waxaana qofka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayna ay ahaayeen dad shacab ah oo suuqaas ku sugnaa.

Maamulka degmada Baydhabo ayaan ka hadlin qaraxa, iyadoo ciidamada dowladda ee ku sugna degmadaas ay gaareen halka uu qaraxu ka dhacay ayna ka wadaan baaritaanno ku aaddan ciddii weerarkaas ka dambeysay.

Saraakiisha dowladda ayaa weerarkan ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay Al-shabaab kuna saabsan qaraxa maanta ka dhacay Baydhabo.

Bilooyin ayaa laga joogo ayay ahayd markii uu qarax weyn oo ka dhacay isla suuqa degmada Baydhabo kaasoo geystay dhimashada 12-qof oo shacab ah, kuwaasoo ku ganacsanayay suuqaas, waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in gaari uu leeyahay madaxii Al-shabaab ee degmada Buurhakaba uu dhinaca dowladda u soo galay.

Inkastoo aysan jirin hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan in gaariga iyo ciidammo la socda ay ku sugan yihiin deegaanka Daynuunaay oo saldhig u ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ee ku sugan gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya