4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Puntland oo sheegay inay diyaarado ku weerartay deegaan ay saldhigyo ku leeyihiin kooxaha Burcad-badeedda ah

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Sarkaal sare oo u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegtay inay weerareen deegaan ay ku xooggan yihiin kooxaha burcadbadeedda ah, ayna halkaas ku dhaawacmeen hoggaamiyihii kooxdaas.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo caawinayay cidamadooda ay rasaaseeyeen guri ku yaalla deegaanka Bali-Dhidid oo la rumeysan yahay inuu ku jiray hoggaamiyaha burcad-badeedda; kaasoo dhaawacmay.

"Duqeynta diyaaradeed waxaa lagu burburiyay saddex gaari oo burcadbadeeddu lahayd, laakiin hoggaamiyaha burcadda Ciise Yulux wuu ka badbaaday in lagu dilo weerarkaas," ayuu yiri sarkaalka magaciisa qariyay.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay ciidamada Puntland weerar xooggan ku qaadeen deegaanka Baar-gaal oo saldhig u ahaa kooxaha burcadbadeedda, iyadoo tani ay muujinayso in Puntland ay ka go'an tahay inay deegaannadeeda ka cirib-tirto kooxaha burcadbadeedda ah.

Burcadbadeedda ayaa waxay muddo sannado ah saldhigyo waaweyn ku lahaayeen deegaannada Puntland ee xeebaha ku dhow, taasoo sababtay in lagu eedeeyo mas'uuliyiinta maamulkaas inay xiriir dhow la leeyihiin burcadbadeedda.

Ololahan cusub ee ay qaadday Puntland ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay kaga hortagayso burcadbadeedda, iyadoo shirkad kuwa ammaanka ah oo lagu magaaabo SARISAN ay tababarro siiso ciidamada Puntland ee loogu talogalay inay burcadbadeedda la dagaalamaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya