4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
Danjire Nuur Cadde oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Magaalada Baraasilis ee Xarunta Dalka Belgium

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay magaalada Baraasilis ee xarunta dalka Belgium, kaddib markii gaarigii uu watay uu ku dhacay gaari kale.

Dhaawaca danjiraha ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, waxaana wararku ay sheegayaan inuu ka jabay kal-xanta, inkastoo aan wax taafaasiil ah oo intaas ka badan la bixin.

"Shilka uu danjiruhu ku dhaawacmay waa jiraa, waxaana gaaray dhaawac fudud," ayuu yiri wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Maxamed, isagoo sidoo kale sheegay in dajiraha uu la dhaawacmay darawalkiisii oo lagu magacaabo Mahdi kaasoo aan la sheegin dhaawiciisa inta uu le’eg yahay.

Danjire Nuur Cadde ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaalada Baraasilis, iyadoo la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay mas'uul ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya uu ku galo Qaaradda Yurub, Inkastoo Dajire Maxamed Cali Ameerika uu dhowr bilood ka hor shil gaari oo noocan oo kale ah uu ku galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ma jiro hadal kasoo baxay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku saabsan dhaawaca gaaray dajiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub, isla markaana ah safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Safiirka ayaa wuxuu inta badan isaga socdaali jiray dalalka Talyaaniga iyo Belgium si uu u dheelli-tiro howsha uu u hayo Soomaalida, iyadoo dhaqaatiirta daweynaysa ay sheegeen in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya