4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 5 , 2012
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun toban sano ka badan ku ridday ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka

Talaado, June 05, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun 15-sano ah ku ridday ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Cali Maxamed Yuusuf kaasoo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo ay ka mid yihiin inuu isticmaalay awood uusan lahayn.

Dacwadda mxkamadda la horkeenay ayaa lagu sheegay in xeer ilaaliye ku xigeenku uu lunsaday hanti qaran, sidoo kalena uu amar ku bixiyay in lasoo xiro guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.

Inkastoo xeer ilaaliye ku xigeenka la xukumay uusan ku sugnayn goobta ayaa haddana waxaa ku dhawaaqay xukunkiisa guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, kaddib markii laga akhriyay halkaas qoraallada dacwadda.

Maxkamadeynta oo socotay ayaa waxaa xeer ilaaliye ku xigeenka sidoo kale lagu xukumay inuusan wax xil ah ka qaban karin dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uusan qaab qareennimo ah uga howgeli karin maxkamadda dalka.

Dambiyada lagu soo oogay xeer ilaaliye ku xigeenka dowaldda KMG ah ayaa waxaa ka marqaati kacay xubno ka tisran maxkamadda gobolka, iyadoo ay jireen eedeymo uu iska diiday mas'uulkan la xukumay oo ay ka mid ahaayeen inuu sii daayay gabar lasoo eedeyay kaddib markii uu lacago ka qaatay.

Ma jiro hadal kasoo baxay xeer-ilaaliye ku xigeenka oo ku aaddan xukunkiisa 15-ka sano ah iyo inuusan ka howgeli karin maxkamadaha dalka, iyadoo aan la ogeyn saameynta ay arrintan yeelan karto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya