4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Booliiska Uganda oo sheegtay inay qabteen dagaalayahanno Shisheeye ah oo xiriir la leh Xarakada Al-shabaab

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba dagaalyahan oo ajnabi ah; kuwaasoo magcayadooda lagu sheegay, Axmed Khaalid oo loo yaqaaan Martin Muller iyo Emrah Erdogan oo 24-jir ah loona yaqaan Alias Imraan Al-Kurdi.

Afhayeennada booliiska Uganda, Judith Nabakooba ayaa warfidiyeenka Kampala ugu sheegtay shalay maqribnimadii qabashada labadan qof, iyadoo xustay inay ku raad-joogaan ruux kale oo magaciisa ay kusoo gaabisay Xuseen.

"Waxaan xaqiijinayaa in laba ruux oo argagaxiso ah una dhashay dalka Jarmal mid ka mid ahna uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Turkiga aan la qabtay, haddana aan baadi-goobayno nin saddexaad oo lagu magacaabo Xuseen," ayay tiri Nabakooba.

Ciidamada booliiska Uganda ayaa soo bandhigay sawirrada labadan ruux, iyadoo aan la ogeyn halka laga soo qabtay iyo halka lagu hayo, waxaase saraakiisha booliiska Uganda ay intaas ku dareen inay illaa toddobaadkii hore raadinayeen saddexdan qof oo qaab dhuumaaleysi ah ku galay Uganda.

"Dadweynuhu waa inay nasoo ogeysiiyaan haddii ay arkaan ruuxa la raadinayo, waayo innagu waxba ma qaban karno haddaanu shacabku na caawin," ayuu yiri taliyaha ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Uganda, John Ndugutse.

Booliisku waxay sheegeen in Muller uu qabo gabar Soomaaliyeed oo 33-jir ah oo ku dhalatay dalka Eritrea laguna magacaabo, Xafso Maxamed Aadan, taasoo u dhashay gabar lix sano jir ah oo lagu magacaabo Nusibra Hadiyah Muller.

Labadan ruux ee la qabtay ayaa la sheegay inay dalka Uganda si dhuumaaleysi ah ku galeen iyagoo ka tallaabay dalka Kenya oo ay kasooo galeen dalka Soomaaliya oo ay muddo joogeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya