4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo kasoo horjeesatay Qodobbadii kasoo baxay shirkii Istanbuul kuna tilmaantay Shirqool

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta DKMG ah ayaa kasoo horjeesatay qodobbadii kasoo baxay shirkii magaalada Istanbuul lagu qabtay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay qodobbadaas shir-qool loo maleegayo Soomaalida.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qodobbadii shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu dumiyo Soomaaliya, laguna xalaaleysto dhaqaalaheeda iyo dhulkeeda.

"Sidaan horayna u sheegnay dowladda Turkiga waa mid loo adeegsanayo sidii lagu burburin lahaa dalalka Islaamka," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, isagoo sheegay in aysan dhaqangelin doonin qodobbadii kasoo baxay shirkii Istanbuul II ee madaxda Soomaalida ay ka qaybgashay.

Qodobbada shirkan kasoo baxay ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed iyo dowladda KMG ah, iyagoo ku tilmaamay inay yihiin qodobbo Soomaaliya u wadi kara jidkii ay kaga bixi lahayd degenaasho la'aanta.

"Turkigu muddo badan ayuu qarinayay hadafkiisa isagoo sheegi jiray inay dadka Soomaaliyeed caawinayaan, balse maanta ayuu lasoo baxay wajigii runta ahaa oo ah inay Soomaaliya dumiyaan," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladda Turkiga loo adeegsanayo inay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay in dhankooda ay aad uga soo horjeedaan qodobbadii kasoo baxay shirkii Istanbuul.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay ugu eedeysay dowladda Turkiga inay raashin dhacay keento dalka, iyadoo la xusuusto in wafdi Turkish ah ay sannadkii hore ka qaybiyeen xerada Aala-Yaasir oo ay ku jireen dad ay abaaruhu soo barakaciyeen oo ay Al-shabaab xukumi jirtay raashin, dhar iyo dawo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya