4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 4 , 2012
Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka howgala oo sheegay inay hormuud u yihiin Dadaal lagu Badbaadinayo Soomaaliya

Isniin, June 04, 2012 (HOL) — Saraakiisha hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka howl-gala ayaa sheegay inay kaalinta hore kaga jiraan dadaallada ay dowladda Turkigu ku doonayso inay ku samatabixiso magaalada Muqdisho oo muddo dheer dagaallo sokeeye kusoo jirtay, xilli ay hay’adaha UN-ku fariisimo ka sameysteen dalka Kenya oo ay daris yihiin Soomaaliya.

Hay'adaha TurkigaCaasimadda Soomaaliya waxaa muddo 20-sano ka badan ka socday dagaallo, iyadoo dadka daggan ay sheegayaan in hay’adaha Turkiga ay muddo bilooyin ah ku qabteen howlo ay ku qaban waayeen labaatan sano hay’adaha samafalka ee caalamiga ah.

"Xukuumaddeennu waxay jeceshahay inay caawiso cid walba oo ay dhibaato haysato, sidaa daraadeed halkan (Muqdisho) waxaan nimid innagoo aan waxba ka fikirayn," ayuu yiri Maxamed oo hoggaamiyaha koox Injineerro ah oo howlo samafal ah kawada Muqdisho.

Tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxeen degmooyinka Muqdisho waxaa dhammaaday dagaalladii jidadka Muqdisho ku dhexmari jiray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qiyaastii 500 oo shaqaale samafal oo Turki ah ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo qaabab kala duwan u caawiya shacabka Soomaaliyeed, waxaana howshoodu ay billaabatay bishii Ogoosto ee sannadkii hore markaasoo ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu booqasho lama filaan ah ku tagay Muqdisho.

"Dabcan khatar ayaa jirta… balse innagu kama fikirayno taas. Insha Allaah waxba nagu dhici maayaan. Haddii aan baqayno kama aanan shaqeyneen halkan," ayuu yiri Injineerku oo sharraxayay howshooda iyo khatarta jirtay markii ay howlaha samafalka ah ka billaabayeen Muqdisho.

Calanka dalka Turkiga oo ah casaan ama guduud ay bil iyo xidig dhexda kaga taallo ayaa suran dhismayaasha ay hay’adaha Turkigu ka daggan yihiin Muqdisho, sidoo kale gaadiidka ay hay’aduhu isticmaalaan ayaa calankaas iyo calammo kale ay ku xiran yihiin.

"Halkan waxaan ku nimid dareen, balse uma aanan imaan lacag," ayuu yiri mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgala isbitaallada Turkigu ka hirgeliyay Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa rumeysan in dadaallada Turkiga uu kawado Soomaaliya ay ka dambeeyaan dalalka reer galbeedka, iyagoo ku eedeeyay inay dano gaar ah iyaguna ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Weerar loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ah oo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacay Muqdisho laguna dilay 72-qof oo u badan dhallinyaro deeq-waxbarasho ka helay dalka Turkiga ayaa waxaa masuuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab, sidoo kale waxaa meel ku dhow safaaradda Turkiga ee Muqdisho ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari miineysan kaasoo aanay wax khasaare ah kasoo gaarin shaqaalaha safaaradda.

Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, C. Karin Torun ayaa ku sifeeyay howsha ay ka hayaan Soomaaliya mid aan lug ku lahayn siyaasad, balse ay jiraan su’aallo badan oo ku aaddan inaysan siyaasad ka marnayn.

"Ujeeddadeennu waa inaan muujinno hab kale oo lagu caawin karno dadka," ayuu yiri Torun oo noqonaya danjirihii ugu horreeyay oo Turkigu u jooga Soomaaliya tan iyo markii ay Soomaaliya burburtay sannadkii 1991-kii.

Magaalada Istanbuul ayaa sidoo kale marti-gelisay laba shir oo midkood dhaqaale loogu yaboobay Soomaaliya iyo shir kale oo looga hadlay sidii dunidu ay isaga kaashan lahayd in Soomaaliya laga saaro dhibaatada dabada-dheeraatay.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Erdogan oo ka hadlay shirkii lagu soo gabgabeeyay Jimcihii magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa kula taliyay Qaramada Midoobay inay kordhiyaan howgalkooda Soomaaliya, isagoo dalalka kale ee doonaya inay caawiyaan Soomaalida ay iyaguna tagaan gudaha dalka.

"Waxaan dadaal badan u galnay sidii lagu maqli lahaa codka Soomaalida, xilli dunidu aanay war ka hayn waxa ka dhacaya gudaha Soomaaliya," ayuu ra’iisul wasaaraha Turkiga bishii Ogoosto ee sannadkii hore ka sheegay Muqdisho xilli uu booqasho ku yimid.

Saraakiisha hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hay’adaha samafalka Turkiga ee ka howlgalaya Muqdisho ay u caddeeyeen in laga howlgeli karo xilli ay u haysteen inay Muqdisho ay tahay goob khatar ah.

Hay’adda Doctors Worldwide oo ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgalaya Muqdisho ayaa waxay laba bilood gudahood u bedeshay guri ku burburtay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya isbitaal dadka lagu daweeyo.

Soddon ruux oo isugu jira, dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo umulisooyin ayay hay’adda DDW waxay tababarro kusoo siisay dalka Turkiga, kuwaasoo ka howlgala isbitaalka ay Muqdisho ka sameysay.

Dowladda Turkiga waxay sidoo kale billowday casriyeyn ay ku sameynayso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, halkasaoo ay diyaaradaha shirkadda Turkish Airlines ay ka billowdya duulimaadyo caalami ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Axmed Daa'uud Oogle ayaa shirkii Istanbuul ka sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu weyn siyaasadda arrimaha dibadda dalkiisa ee ay doonayaan inay xasilooni ka dhaliyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya