4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Kenya oo heegan gelisay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, baadi goobna ku haysa Shaqaale laga Afduuba Dhadhaab
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaasoo ay sheegtay inay baadi-goob ku hayaan shaqaale samafal oo shalay laga afduubay deegaanka Dhadahaab oo ay ku yaallaan xeryaha qoxootiga ee dunida ugu weyn.

Shaqaalahan samafalka ah ee la afduubay oo tiradooda lagu sheegay afar ruux oo u kala dhashay dalalka Canada, Norway, Bakistaan iyo Fillibiin ayaa waxaa afduubay saddex ruux oo hubeysan, kuwaasoo kala tallaabay xududda Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya oo isticmaalaya diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa la sheegay inay baadi-doon ku hayaan shaqaalahaas oo aan la ogeyn meel rasmi ahaan lagu haysto.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa ku eedeeyay afduubkan Xarfakada Al-shabaab, balse ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab, iyadoo saraakiishu ay sheegeen inay dadaal ugu jiraan sidii ay shaqaalahaas kuso furan lahaayeen.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in laba shaqaale ah oo u dhashay dalka Kenya ay ka mid yihiin kuwa la afduubay, waxaana gaarigii lagu kexeystay samafalayaashan laga helay soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Samafalayaashan oo Jimcihii laga afduubay xerada IFO II ee deegaanka Dhadahaab ayaa waxay u shaqeynayeen haya'dda NRC iyagoo kormeer ku sameynayay xeryaha qoxootiga Kenya oo ay ku nool nus-malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

Deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo 100-km u jira soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa tan iyo sannadkii hore waxaa ka dhacayay afduubyo loo geysanayo shaqaalaha samafalka, taasoo keentay in hay'adaha samafalka ay hakad geliyaan howlihii ay ka hayeen xeryahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya