4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Dabley ku labisnaa Dharka Ciidamada DKMG oo maanta dhacay Xarunta Shirkadda Xawaaladda Mustaqbal ee Degmada Waaberi
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Kooxahan oo tiradoodu ahayd afar nin oo sitay qoryo fudud kuna labistaa dharka ciidamada dowladda KMG ah ayaa maanta dhac u geystay xarunta shirkadda xawaaladda Mustaqbal ay ku leedahay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Maamulkaha xaruntan, Bashiir Cabdi Xaaji Cumar  ayaa sheegay in xarunta laga qaatay 2,800 oo dollarka Mareykanka ah, isagoo sheegay in shaqaalihii xaruntaas ay kooxaha hubeysani handadeen.

"Dableydu waxay si caadi ah ku galeen xarunta shirkadda, daqiiqado kaddibna waxay billlaabeen in macaamiishii lacagaha qaadanayay ay wajiga darbiga u saaraan, sidoo kalena ay handadaan shaqaalaha, ugu dambeynna ay qaataan 2,800 oo doollar," ayuu yiri Bsahiir Cabdi oo sheegay inay wargeliyeen booliiska.

Sidoo kale, maamulaha xarunta la dhacay ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay wateen gaari Land Cruiser ah ay si nabadgalyo ah goobta uga tageen, isagoo xusay inaysan garanayn in raggaas ay ciidan ahaayeen iyo in kale.

Taliyaha booliiska degmada Waaberi oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kooxda dhaca geysatay loo sheegay inay ka koobnaayeen afar nin oo laba ka mid ah ay ku labisnaayeen tuute ayna u carareen dhinaca isgoyska KM-4, ayna wadaan baaris ay ku raadinayaan.

Shirkaddan xawaaladeed ayaa noqonaysa tii labaad oo lagu dhaco Muqdisho inta lagu jiro bishan Juun, iyadoo la xusuusto in xarunta shirkadda Jubba Express ay laba toddobaad ka hor dhaceen kooxo hubeysan oo dharka ciidamada ku labisan, iyagoo ka qaatay lacag gaaraysa 29,000 oo doollar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya