4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Waxgaradka iyo Shacabka ku nool Xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir oo u Mahadceliyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Kulan ay yeesheen dhallinyarada, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo haweenka ku nool xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxay kaga mahad-celiyeen xildhibaan, C/qaadir Xasan Cabdi (Shacab) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, howlo lagu horumarinayay deegaankooda.


Dadweynihii kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegay in xildhibaanka inaysan hilmaami doonin dadaalka uu xildhibaanku ku bixiyay wax u qabasahada dadka xaafaddaas ku nool, iyadoo la sheegay in xildhibaanku uu wax weyn ka qabtay dhinaca ammaanka.

"Xaafaddan waxaa ka jiray qalalaase, xildhibaan C/qaadir Shacabna wuxuu dhexda u xirtay inay dadka ku nool Nasteexo ay nabad ku noolaadaan waana ku guuleystay," ayuu yiri nabaddoon Maxamad Maxamuud Xooshoow (Korontaale) oo ka mid ah xubnihii kulanka ka hadlya.

Dadkii munaasabadda ka hadlay ayaaa xidhibaanka ka dalbadeen inuu howsha uu u hayo xaafadda halkeeda kasii wado marka laga baxo xilliga kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.



Xaafadda Nasteexo oo ka mid ah xaafadaha degmada Wadajir ayaa lagu xusuustaa in sannadkan horraantiisa ay kooxo hubeysan ku toogteen agaasimihii idaacadda Shabeelle, Xasan Cismaan Cabdi (Fantaastik) oo xaafaddaas ku barbaaray.

Dhammaan waxgaradkii ka qaybgalay munaasabadda lagu xusuusanayay waxqabadkii ballaarnaa ee xildhibaanku ka qabtay xaafaddaas, ayaa waxay ergada soo xulaysa xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka inay isha ku hayaan mudanahan.

Munaasabaddan oo ah tii ugu horreysay nooceeda oo Magaalada Muqdisho lagu qabto ayaa kusoo beegmaysa xilli la filayo in bisha soo socda lasoo xulo xildhibaanno cusub oo bedelaya. 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya