4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo dhaweeyay Wadahadallada u billowday DKMG ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland
Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Maamulka gobollka Hiiraan ayaa talaabo horay loo qaaday ku sheegay wada hadallada u bilaawday mas’uuliyiinta dowladda KMG iyo Soomaaliland, kadib kulankii ugu danbeeyay ee Dubai ku dhaxmaray madaxweyne Shariif iyo Axmed Siilaanyo madaxweynaha Soomaaliland.

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof ayaa u sheegay HOL in wada hadalladaasi yihiin kuwo sida uu hadalka u dhigay bilow ka ah  midnimada Soomaaliya, isaga oo ku amaanay labada madaxweyne wada hadallada dhaxmaray.

‘’Annaga ka maamul ahaan waan soo dhaweyneynaa wada hadalladaas, waayo waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwo gogol-xaar u noqon kara midnimada umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa ku amaaneynaa madaxweyne Shariif talaabada uu qaaday ee ah in wada xaajood lala furo Soomaaliland.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku darray Max’ed Nuur Caga-joof in wada hadalada socda yihiin kuwo u suur-tagalin kara madaxweyne Shariif Shiikh Axmed in uu mar kale dib u hanto xilka madaxtinimada Soomaaliya, maadaama loo baahan yahay dhameystirka bilowga wada hadallada u dhaxeeya dowladda KMG iyo maamulka Soomaaliland.

‘’Aragtideena waxaa ay tahay in madaxweyne Shariif maadama uu yahay mas’uulka hadda ku jira wada hadallada labada dhinac, in uu mar kale hanan karo xilka madaxtinimada Soomaaliya si loo dhameystiro howlaha dhiman,’’ ayuu sheegay afhayeenka gobollka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa iyaguna siweyn u hadal haya arinta ku saabsan wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaasoo ay kuu sheegayaan in ay ku soo beegmeen maalmaha xuriyada 26-ka Jun, iyo 1- Julay oo la filayo in caawa loo dabaal dago.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya