4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo uu dhalay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo isku soo taagay xilka Madaxnimo ee Soomaaliya

musharrax221.jpg

Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay soo kordhayaan murashaxiinta isku soo taagaya xilka madaxweynenimo ee Soomalaiya ayuu Muqdisho kaga dhawaaqay Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Dr C/raxmaan Maxamed ayaa murashaxnimadii kaga dhawaaqay xaflad weyn oo uu ku qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, siyasiyiin, odayaal dhaqameed, ururrada bulshada rayidka, haween iyo marti-sharaf kale, kuwasaoo hadallo ka jeediyay munaasabadda.

"Haddii aan ku guuleysato doorashada madaxnimo ee Soomaaliya, waxaan la dagaalami doonaa musuqmaasuqa baahsan, waxaana dhiirrigelin doonnaa ganacsiga," ayuu yiri Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Murashaxan oo dhaqaale-yahan ah kana soo shaqeeyay bakiga adduunka iyo shirkado caalami ah ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan, isagoo xusay inuu rajo weyn ka qabo inuu ku guuleysto doorashada madaxnimo ee dalka.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah garaadyada maamulka Khaatumo ayaa ka sheegay munaasabadda inuu garab-taagan yahay murashaxa, isagoo sheegay inuu yahay mas'uul uu si wanaagsan u yaqaanno waxna ka qaban kara xaaladda uu ku jiro dalka.

Xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta kale ee iyaguna mushaaradda ka hadlay ayaa xusay inay taageersan yihiin murashaxan ayna gacan siinayaan, iyagoo shacabka ka dalbaday in la taageero murashax Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Bisha Ogoosto ee sannadkan ayaa lagu wadaa in dalka ay ka dhacdo doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, iyadoo jagadan ay soo kordhayaan murashaxiinta isku soo taagaya xilkan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif oo qudhiisa ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee dalka ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo murashaxiinta uuna ku faraxsan yahay in xilka lagula tartamo.

musharrax22.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya