4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
Ururka Midowga Afrika iyo Dowladda Uganda oo kala saxiixday Heshiis Ciidammo Booliis ah lagu geynayo Muqdisho


Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika iyo xukuumadda Uganda ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo Kampala ay 140-askari oo booliis ah ku geynayso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Howgalka ciidamadan booliiska ah ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa howlgalka AMISOM oo hoostaga Midowga Afrika, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidammo ka socda Midowga Afrika ay ka howlgalaan dal Afrikaan ah.

Golaha nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan isku raacay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya lagu kordhiyo ciidammo booliis ah oo qayb ka qaata sugidda nabadgalyada, iyadoo go'aankan ay ayideen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay bishii Feberaayo ee sannadkan.

Sidoo kale, waxaa socda tallaabooyin uu Midowga Afrika ku doonayo inuu heshiis kula galo xukuumadda Nigeria sidii ay 140-askari oo booliis ah u geyn lahayd magaalada Muqdisho.

Haatan Muqdisho waxaa ku sugan 60-askari oo booliis ah kuwaasoo ka socda ururka Midowga Afrika, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadanayaan dadaalka lagu dhisayo awoodda ciidammada booliiska Soomaaliya, iyagoo siiyo talooyin iyo tababar lana socda habka ay u shaqeynayaan.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada booliiska ah ee ka socda dalaka Uganda iyo Nigeria loogu talogalay inay qayb ka qaataan xasilinta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meesha ciidanka Midowga Afrika uu ka howlgalo, kaddibna lagu fidin doono gobollada kale ee Soomaaliya.

Tallaabadan ciidamada booliis ah oo ka socda dalalka Afrikca lagu geynayo Muqdisho ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay ciidamada AMISOM horumarro ka sameynayaan howgallada ay u joogaan Muqdisho.

Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixanayay oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil booliis oo ka socda hay'adda booliiska caalamka ee INTERPOL.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya