4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2012
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR: "Muqdisho waxay Marti-gelinaysaa Ergooyinka Ansixinta Dastuurka Soomaaliya"

Sabti, June 30, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Muqdisho ay diyaar u tahay marti-gelinta shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, isagoo xusay in Muqdisho ay sharaf weyn u tahay in lagu dhiso dowladdii labaad ee Soomaaliya marka laga soo tago dowladdii 19960-kii.

Duqa Muqdisho oo hadalka ka sheegay dibadbax ka dhacay Muqdisho, ayaa intaas ku daray in hay'adaha ammaanka DKMG ah ay ka qayb-qaadan doonaan sugidda ammaanka Muqdisho, isla markaana maamulkiisu uu bixinayo wax walba oo lagu fududeynayo qabsoomidda shirkaas.

"Muqdisho waxay diyaar u tahay marti-geliso shirka ansixinta dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo, waxay diyaar u tahay in 825-ka ergay ay marti-geliso, waana shir lagu dhisayo Qarannimada Soomaaliya, umana hakan doonno dhaqaale Beesha Caalamka laga sugayo," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Tarsan wuxuu ku boorriyay haweenka gobolka Banaadir inay qaybtooda ka qaataan sidii lagu sugi lahaa ammaanka Muqdisho, isagoo xusay in haweenku ay la socon karaan dhaqdhaqaaqyada xaafadaha ay daggan yihiin.

Bisha soo socota ee Luuliyo ayaa lagu wadaa in la ansixiyo dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo, kaasoo qayb ka ah howlaha Roadmap-ka, iyadoo dastuurku lagu wareejiyay odayaaasha si ay talooyin uga soo bixiyaan.

Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah ayaa waxay ka dalbadeen odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho inay soo dedejiyaan xulidda ergooyinka ansixinta dastuurka, si looga gudbo arrimaha dastuurka, iyadoo xukuumadduna ay magacowday guddi qayb ka qaadanaya xulidda ergooyinka.

"Ergooyinka Ansixinta dastuurka waa imaan karaan Muqdisho, waxaana diyaar u nahay inaan soo dhaweyno," ayuu yiri Tarsan oo sheegay inaysan in ammaanka la isku halleyn karo, Muqdishona ay astaan u tahay Qarannimada Soomaaliya.

Dowladda KMG ah ayaa wuxuu xilligeedu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee soo socota iyadoo lagu wado in markaas uu dalku yeesho madaxweyne cusub uuna ka gudbo xilliga KMG ah, iyadoo dastuurka la ansixinayo la sheegay wax ka bedel lagu sameynayo inta afti dadweyne lagu ansixinayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya