9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Turkiga, baray-na safiirka cusub ee dalka Turkiga



Istanbul, Turkey


Safiirka cusub ee Turki M. Mursal iyo Qunsulka cusub Axmed Global
Axad, June 03, 2012 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaana Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacaddaha dalkan, waxa uuna xalay Jaaliyadda baray safiirka cusub ee dhowaantan dowladdu u magacowday dalkan Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Safiirka cusub ee Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga ee u ogolaaday waxbarasho lacag la’aan ah inay siiyaan ubadka Soomaalieyed ee mustaqbalka dhow noqon doona hogaanka dalka iyo dadka, waxa uuna ardayda ku baraarujiyay inay ka faa’iideystaan fursadan oo aaney beerdareyn, waxaana dalkan Turkiga wax ka barta si lacag la’aan ah arday tiradoodu gaareyso 1,500.

Ardayda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inay u baahan yihiin in safaaradda Soomaaliyeed ay si dhow ula shaqeyso ardayda oo iyagu soo jeediyay baahiyo ku aadan fududeynta xiriirka Turkiga iyo ardayda, waxayna si gaar ah uga dalbadeen goob ay ku shaqeystaan ardaydu marka ay doonaan inay qortaan codsiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goobta ku baray ardadya safiirka cusub ee dowladda Soomaaliyee uga wakiilka noqon doona dalka Turki.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo goobta ka hadlay ayaa u balan qaaday ardadya in wixii dhaliilo ahna la saxi doono, wixii baahiyo ah oo jirana ay dabooli doonto safaaradda intii karaankeeda ah.

“Anigu waan cusbahay, waxaana idiin cadeynayaa inaan gacan idiinkaga baahanahay maadaama ay tihiin ardaydii Soomaaliyeed” ayuu yiri Safiirka oo xusay in jaaliyadda wixii dad ah ee ka xiran ay deg deg uga codsan doonaan dowladda Turkiga inay noo sii deyso, Soomaalidana looga baahan yahay inay dhowraan dhaqanka, Nabadgelyada iyo siyaasada dalka Turkiga.

Sidoo kale, waxaa Istanbul ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyey Qunsulka cusub ee Turkiga Mudane Axmed Maxamed (Axmed Global), kaasoo isna dhowaantan ka howlgeli doona magaalada Istanbul.

Ugu dambeyntiina ardadya ayaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha kuwaasoo uu uga jawaabay, isaga oo sharaxaad dheerna ka siiyay muhiimada waxbarashadu u leedahay qofka, qoyska, iyo Qarankaba.

Garaad Salaad Hersi
Istanbul, Turkey
[email protected]







Click here
6/3/2012 6:24 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Odayaashii dhaqanka iyo ergooyinkii kale ee ururrada bulshada rayidka ah ka socday ee ka qaybgalay shirkii Istanbuul oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

6/3/2012 5:57 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Sheekh Axmed Madoobe) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay qabsadana guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

6/3/2012 5:48 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka xilliga KMG ah iyo u gudbidda dowlad dhameystiran isagoo sheegay in taasi ay horseedaysay inay Soomaaliya u gudubto xaalad ka wanaagsan midda hadda ay ku jirto.

6/3/2012 5:33 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo ah labada suuq ee ugu weyn Muqdisho, xilli ay suuqa Bakaaraha ka socotay burburinta dhismayaasha sharci-darrada ee suuqaas laga sameystay.

6/3/2012 5:13 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen rag katirsan Al-shabaab oo sitay hubka noocyada fudud iyo gaari uu saarnaa qori nooca loo yaqaan Dhishiikaha, waxaana ay sheegeen in ragaasi ay iska soo dhiibeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

6/3/2012 3:00 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa shalay gallinki dambe toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ka tirnsaa Al-shabaab oo weeraray iyagoo dhaawacay mid kale oo la socday.

6/3/2012 2:42 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray ciidamada AMISOM ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib heshiis Sabtidii shalay lagu kala saxiixday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.