4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Odayaashii dhaqanka iyo xubnihii Bulshada Rayidka ee ka qaybgalay shirkii Istanbuul oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Odayaashii dhaqanka iyo ergooyinkii kale ee ururrada bulshada rayidka ah ka socday ee ka qaybgalay shirkii Istanbuul oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Odayaashan ayaa waxay qaarkood warbaahinta u sheegeen inay billaabi doonaan howlo ay kusoo xulayaan ergadii ansixin lahayd dastuurka, markaas kaddibna ay gudo geli doonaan xulidda xildhibaannada baarlamaanka cusub.

Ergooyinka shirka Istanbuul ka qaybgalay ayaa waxay sheegeen in shirkii Istanbuul uu noqday mid guuleystay, isla markaana uu caalamku Soomaaliya ka taageerayo sidii ay uga bixi lahayd xaaladda ay ku jirtay muddada dheer.

Xubnaha isugu jira odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ayaa waxay dalka Turkiga uga qaybgaleen shir socday muddo shan casho ah, kaasoo qodobbadii kasoo baxay la hordhigay shirkii looga hadlayay siyaasadda ee socday labada casho.

Odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ah ayaa qodobbadii ay sida aadka ah uga soo horjeesteen waxaa ka mid ahaa nidaamka 4.5-ka ah ee lagu qaybiyo awoodda dowladda Soomaaliya, iyagoo codsaday in la bedelo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya