4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Dr. C/qaasim Salaad oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada socda soona dhaweeyay ka bixitaanka xilliga KMG ah

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka xilliga KMG ah iyo u gudbidda dowlad dhameystiran isagoo sheegay in taasi ay horseedaysay inay Soomaaliya u gudubto xaalad ka wanaagsan midda hadda ay ku jirto.

Dr. C/qaasim ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya inay dagaalka joojiyaan, isagoo sheegay inaysan wax wanaagsan ahayn in dad Soomaali ah ay ku dhintaan degmooyinka Afgooye iyo Afmadow.

"Waxaan dhinacyada dagaalamaya ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan, ayna qayb ka qaataan horumarinta dalka," ayuu yiri C/qaasim Salaad oo intaas raaciyay in Soomaaliya ay ku socoto jid wanaagsan oo horumar leh.

Sidoo kale, C/qaasim wuxuu soo dhaweeyay qodobbadii kasoo baxay shirkii labada maalmood socday ee lagu soo gabgabeeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isagoo kasoo horjeestay in ciidamada dariska la ah Soomaaliya ay gudaha u galaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan arrimaha Soomaaliya xal ka gaari karaan.

Isagoo ka hadlaya odayaasha dhaqanka ayuu yiri: "Odayaasha dhaqanka waxaa gacantooda ku jira aayaha Soomaaliya, waa inay ka fikiraan xildhibaanka ay soo xulayaan, waxaaan looga baahan yahay inay soo xulaan xubno gudan kara waajibkooda oo daacad ah," ayuu yiri C/qaasim Salaad.

Mar la weydiiyay inuu ka fariistay siyaasadda ayuu sheegay inuu weli siyaasadda ku jiro, isagoo xusay inuu meel walba oo uu joogo uu uga wax uga qabanayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu saaran yahay waajib ah inuu dalkiisa wax ka qabto, iyadoo Dr. C/qaasim loogu doortay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya shir ay dhinacyada Soomaalidu ku yeesheen dalka Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya