3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 3 , 2012
Dr. C/qaasim Salaad oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada socda soona dhaweeyay ka bixitaanka xilliga KMG ah

Axad, June 03, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/qaasim Salaad Xasan oo ku sugan dalka Masar ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka xilliga KMG ah iyo u gudbidda dowlad dhameystiran isagoo sheegay in taasi ay horseedaysay inay Soomaaliya u gudubto xaalad ka wanaagsan midda hadda ay ku jirto.

Dr. C/qaasim ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya inay dagaalka joojiyaan, isagoo sheegay inaysan wax wanaagsan ahayn in dad Soomaali ah ay ku dhintaan degmooyinka Afgooye iyo Afmadow.

"Waxaan dhinacyada dagaalamaya ugu baaqayaa inay dagaalka joojiyaan, ayna qayb ka qaataan horumarinta dalka," ayuu yiri C/qaasim Salaad oo intaas raaciyay in Soomaaliya ay ku socoto jid wanaagsan oo horumar leh.

Sidoo kale, C/qaasim wuxuu soo dhaweeyay qodobbadii kasoo baxay shirkii labada maalmood socday ee lagu soo gabgabeeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isagoo kasoo horjeestay in ciidamada dariska la ah Soomaaliya ay gudaha u galaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inaysan arrimaha Soomaaliya xal ka gaari karaan.

Isagoo ka hadlaya odayaasha dhaqanka ayuu yiri: "Odayaasha dhaqanka waxaa gacantooda ku jira aayaha Soomaaliya, waa inay ka fikiraan xildhibaanka ay soo xulayaan, waxaaan looga baahan yahay inay soo xulaan xubno gudan kara waajibkooda oo daacad ah," ayuu yiri C/qaasim Salaad.

Mar la weydiiyay inuu ka fariistay siyaasadda ayuu sheegay inuu weli siyaasadda ku jiro, isagoo xusay inuu meel walba oo uu joogo uu uga wax uga qabanayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu saaran yahay waajib ah inuu dalkiisa wax ka qabto, iyadoo Dr. C/qaasim loogu doortay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya shir ay dhinacyada Soomaalidu ku yeesheen dalka Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/3/2012 8:17 PM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaana Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacaddaha dalkan, waxa uuna xalay Jaaliyadda baray safiirka cusub ee dhowaantan dowladdu u magacowday dalkan Turkiga.

6/3/2012 6:24 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Odayaashii dhaqanka iyo ergooyinkii kale ee ururrada bulshada rayidka ah ka socday ee ka qaybgalay shirkii Istanbuul oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

6/3/2012 5:57 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Sheekh Axmed Madoobe) oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay qabsadana guud ahaan gobollada Jubbooyinka.

6/3/2012 5:33 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan dowladda KMG ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa Bakaaraha iyo suuq Bacaad oo ah labada suuq ee ugu weyn Muqdisho, xilli ay suuqa Bakaaraha ka socotay burburinta dhismayaasha sharci-darrada ee suuqaas laga sameystay.

6/3/2012 5:13 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda KMG ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen rag katirsan Al-shabaab oo sitay hubka noocyada fudud iyo gaari uu saarnaa qori nooca loo yaqaan Dhishiikaha, waxaana ay sheegeen in ragaasi ay iska soo dhiibeen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

6/3/2012 3:00 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa shalay gallinki dambe toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ka tirnsaa Al-shabaab oo weeraray iyagoo dhaawacay mid kale oo la socday.

6/3/2012 2:42 AM EST
Axad, June 03, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biiray ciidamada AMISOM ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib heshiis Sabtidii shalay lagu kala saxiixday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.