4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Madaxweynaha Somaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo ku heshiiyay in la isku furo Ganacsiga Labada Dhinac
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kale oo ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Dubai, kaasoo la xusay inuu gabo-gabo u ahaa kulankii shalay dhacay.

Idaacadda ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in kulanka labada madaxweyne uu kasoo baxay heshiis ku saabsan in la isku furo ganacsiga labada dhinac iyo in la hirgeliyo qodobbada heshiisyadii la gaaray.

"Madaxweynayaashu waxay isla garteen in la isku furo ganacsiga lana xoojiyo iyo in la dadku ay si nabadgalyo ah isugu gudbi karaan. Heshiiska maanta waxaa ka mid ah in la adkeeyo heshiisyada la gaaro," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya oo shirkaas kaddib la hadlay raadiye Muqdisho.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in kulammadan ay caddeynayaan in Soomaaliya aysan kala maarmin, meel ay ku kala tagtana aysan jirin, isagoo xusay in labada madaxweyne ay maanta si wanaagsan u wada hadleen.

Maamulka Somaliland oo sannadkii 1991-kii ku dhawaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale ayaa wuxuu deegaannada uu ka taliyo horay uga mamnuucay inay tegi karaan siyaasiyiinta ka tirsan dowladd Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu meesha ka saarayo xayiraaddii saarnayd siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Somaliland.

Madaxweynayaashan ayaa waxay shalay heshiis dhowr qodob ah ku gaareen Dubai kaddib kulankii ugu horreeyay oo ay muddo 20-sano ah yeeshaan labada mas'uul oo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland oo aan weli aqoonsi helin.

Kulamadii ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta arrinta ugu weyn ee kasoo baxday waxaa lagu tilmaami karaa kulanka dhexmaray Sheekh Shariif iyo Siilaanyo, iyadoo labada madaxweyne ay si laab furan ah isku gacan-qaadeen, waxayna kala tageen iyadoo mid walba uu qoslayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya