4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Xildhibaan ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay si khasab ah ku dagaal-gelinayaan Shacabka ku nool Kismaayo
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay doonayso in si khasab ah ay ku dagaal geliso shacabka ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhallinyarada.

Mudanahan oo u warramayay BBC-da isagoo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay sidoo kale ka waddo gudaha Kismaayo bililiqo, isagoo sheegay inay dhibaato ku hayaan shacabka degmadaas ku nool.

"Waxgaradka beelaha ku nool Kismaayo waxaa lagu wargeliyay inay keenaan 150-qof oo dhallinyaro ah si ay ugu dagaalamaan," ayuu yiri xildhibaanka oo sheegay in uusan garanayn tallaabada ay qaadan karaan odayaasha maadaama ay yihiin kuwo xoog lagu haysto.

Su'aal ahayd sida uu ku xaqiijin karo warkan ayuu ku sheegay inay ka heleen dadka ku nool Kismaayo, maadaama uu deegaankaas kasoo jeedo, wuxuuna xildhibaanku ugu baaqay shacabka Kismaayo inay ka digtoonaadaan dhibaatada lala damacsan yahay.

"Ma ahan in lagu eegto dadka ku nool Kismaayo dhibaatada haysta, waayo DKMG ah ayaa mas'uul ka ah, waana inay dowladda iyo ciidamada caawinaya tallaabo ka qaataan arrintaas," ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalka mudanahan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli saraakiisha Al-shabaab ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose ay sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado magaaladaas.

Degmada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay sheegeen saraakiisha Kenya inay bartilmaameed u tahay, iyagoo sheegay in Al-shabaab aan laga adkaan karin inta ay gacanta ku hayaan magaalo xeebeedda gobolka Jubbada hoose ee Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya