4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Dowladda KMG Soomaaliya oo maanta u gudbisay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay odayaasha dahaqanka ee ku shirsan Muqdisho qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la qorsheynayo in bisha soo socota la ansixiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan wasiirka beeraha iyo wasirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya ayaa dastuurka u gudbiyay odayaasha dhaqanka.

"Odayaashu waxay halkan fadhiyeen muddo laba bilood ku dhow, maanta ayaana loo keenay markii ugu horreysay qabyo-qoraalka dastuurka, haddii aan u aragno in dani ay ugu jirto dalka waan aqbalaynaa, haddii aan u aragno inaysan dani ku jirina ma ogolaanayno," ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ka mid ah.

Sidoo kale, Xaad wuxuu sheegay in loo qaybiyay 80-nuqul, loona sheegay in loosoo dhameystiri doono tirada ka dhiman, isagoo xusay inay maqleen in dastuurkan wax lagu kordhiyay waxna laga dhimay, balse ay ka hadli doonaan markii ay arkaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlay odayaasha ayaa sheegay in nuqulkan uu yahay kii ay diyaariyeen guddiga madaxa-bannaan ee qabyo-qoraalka dastuurka, iyadoo aysan goobta ku sugnayn xubnaha guddiga qoraalka dastuurka.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbisaan ergada ansixinaysa dastuurka, si howsha ansixinta loo dadajiyo," ayuu Shariif Xasan ku yiri hadal uu u jeediyay odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka oo tiradoodu tahay 135-xubnood ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo xulaan ergadii ansixin lahayd dastuurka oo gaaraya 825-xubnood, kuwaasoo isugu jira waxgarad, dhallinyaro, aqoonyahanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya