4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Isbedalka Ammaanka Muqdisho iyo dib u laabashada Qurbe-joogta Soomaalida

 
Khamiis, Juun 28, 2012 (HOL) — Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ay goob colaadeed ahayd muddo ka badan labaatameeyo sano, waxaana dadkii ku dhaqnaa gudaheeda ay  dantu ku qasabtay in ay isaga cararaan, si ay naftooda amaan ugu helaan. Dad badan oo ka mid ah kuwa qaxay waxaa ay rejo ka qabeen in ay mar uun dib ugu soo laaban doonaan guryahoodi ay Muqdisho ka daganaayeen, hase ahaatee taasi  ma suuro’galin, sababta oo ah qaska iyo rabshadda  colaadda oo waqti dheer qaadatay awgeed.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho laga dareemayey ififaale nabadeed iyo in ay ka soo kabsanayso bilicdii luntay iyo burburkii loo geystay intii ay dagaaladu ka dhex socdeen, waxaana dad ka shacabka ah markii ugu horeysay ay bilaabeen in ay isku dhex furmaan oo ay si xor ah noloshoodi u soo ceshtaan, waxaana taasi ay ka dambeysay markii bilo ka hor magaalada laga saaray kooxda Al-Shabab oo mudo sanado ah kula dagaalamaysay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Rejada iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagnayn ee ka jira  magaalada Muqdisho waxaa uu soo jiitay indhaha qurbe joog badan oo horay wadamada debadda ugu qaxay.

“Mudo ka badan 22 sano ayaan Mareykanka ku noolaa, run ahaantii waxaan Muqdisho tagay aniga oo hilow badan u qaba wadankeyga,” ayuu yiri Cabdi Xabiib Yaasin , oo ka mid ah qurbe-joogta Soomaalida ah ee dhawaan tagay Muqdisho.

Cabdi Xabiib, oo aan kula kulmay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, isagoo xiliga uu sheekaynayey laga dheehanayey wajihiisa xiisaha ay ku haysay ku laabashada Muqdisho, ayaa ii sheegay in uu  Muqdisho ka aaminsanaa in ay tahay god bahalo galeen ah oo aan marnaba lagu aamini’karin nolosha aadanaha, hase ahaatee ay taasi haatan wax badan iska badashay kaddib markii uu soo arkay xaqiiqda dhabta ah iyo waxa  xiligaan ka jira Muqdisho.

 “Cabsidii aan qabay waxaa ay isbadashay markii aan arkay jidadk Muqdisho oo ay taagtaagan yihiin ciidan amaanka sugaya iyo dadka oo soconaya habeenkii xiligii ay doonaan,” ayuu yiri Cabdi-Xabiib.

Sihaam Axmed Nuur,  waa 21 jir waxaa ay ku barbaartay gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka oo la keenay iyada oo da’yar, dhawaan ayey tagtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaayna iiga sheekaysay waxyaabihii ay ku soo aragtay mudadii ay halkaasi ku sugnayd?.

“Inkastoo waalidkay iiga sheekayn jireen Muqdisho, haddana anigu aragtida aan ka haystay waxaa ay ahayd mid taasi ka badalan oo aan wanaagsanayn, oo ahayd dareen ay cabsiyi’ ku dheehan  tahay, hadase dareenkaygi hore ee aan qabay wax badan ayaa iska badalay. Waxaan soo arkay dad noloshaada si caadi ah u wata oo ganacsanaya, kuwa guryahooda burburay dayactiranaya, sidoo kalana ka soo kabsanaya noloshii iyo rafaadkii ay mudo ku soo dhex jireen,” ayey tiri Sihaam Axmed Nuur, iyadoo intaasi ku dartay “Aniga waxaa ay ila tahay dhalinteena wadamada qurbaha ku barbaaray maanta wadankeenu anaga ayuu noo baahan yahay in aan wax u qabano, islamarkaasna aan ka qeyb-qaadano dib u dhiskiisa iyo amaankiisa intaba.

Dadka  Muqdisho ku laabanaya oo badankood ka tagaya wadamada Yurub, Mareykanka iyo waliba Kanada, ayaa waxaa ay kala xambaarsan yihiin hadafyo kala duwan, sida kuwo ku mashquulsan ka mid noqoshada isbadalka siyaasadeed ee socda, kuwo ku ujeedkoodu in ay dalka maalgashi ka sameystaan oo ka faa’idaysanaya fursada hadii nabaddu hirgasho, iyo kuwo qurbaha ku raagay oo mudo dheer wadanka soo moogaa, islamarkaasna uu hayo hilow ah in ay mar uun soo arkaan Muqdisho nabad ah. 

“Magaalada hadaad ku cusub tahay kama helaysid meel aad seexato, guud ahaan huteelladu waa ay wada buuxaan oo waa la iska sugaa sariiraha, taasi waxaa ay ka turjumaysaa in dad badan ay dalka dib ugu soo laabanayaan,” sidaasi waxaa yiri  Cabdi-Xabiib, oo ka mid ah Soomaalida Mareykanka ka tagtay.

Inkastoo qurbe joogtu ay noloshaada la soo carareen, hadana waxaa ay gacan lixaad leh ka geystaan quudinta iyo samata bixinta nolosha dadka ku dhaqan gudaha wadanka oo iyagu hoy’ u noqday muddo dheer dhibaatooyin fara badan oo ay ka dhaxleen colaad iyo abaar mararka qaar isku badasha macaluul, waxaana sanad waliba la qiyaasaa in ay Soomaaliya gasho in ka badan labo bilyan oo Doollarka Mareykanka ah, taasi oo ka timaada dibad joogta Soomaalida.

“Intii ay wadanka ka jireen dhibaatooyinku qurbe-joogtu, waxaa ay ahaayeen udub dhexaadka uu dalku ku tiirsanaa, waxaana ka mid ah waxyaabaha aan la hilmaami-karin in ay dib u celiyan shilinka ay ka shaqeystaan wadamada ay ku nool yihiin iyo in ay sidoo kale maalgaliyaan kaabayaasha ay ku tiirsan tahay jiritaanka nolosha bulshadu sida, caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha,” sidaasi waxaa warbixintaan HOL u sheegay Xaashi Shaafi, oo isagu madax ka ah urur u dhaqdhaqaaqa danaha Soomaalida oo ka jira gobolka Minnesota.

Isla waqtigaan Soomaalida qurbe joogta ah waxaa ay aaminsan yihiin in ay kaalin muuqata ku yeelan’karaan dadaalada lagu soo celinayo mustaqbalka Soomaaliya, iyagoo cuskanaya in ay xambaarsan yihiin ilbaxnimo, aqoon iyo xirfado ay kala tagayaan wadamada horumaray ee ay ku nool yihiin, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyey  ay dibad joogta Soomaalidu door lixaad leh ku lahaayeen siyaasada gudaha iyo dibada ee wadanka Soomaaliya, iyadoona qaarkood ay xubno firfircoon ka noqdeen xukumadihii kala dambeeyey iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira. Halka qaarkoodna ay sameysteen xisbiyo, si ay mustaqbal ugu galaan gorgortan siyaasadeed, islamarkaasna ay uga mid noqdaan isbadalka cusub ee rejadiisu tahay in uu Soomaaliya ka hana’ qaado waqtiga soo socda.

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected] 
Minneapolis, Minnesota