4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duleedka Degmada Baydhabo
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ee ku sugan degmadaas ay toogasho ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dilkan ayaa ka dhacay deegaan 10-km koonfur kaga beegan degmada Baydhabo, waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saddexdaas dagaalyahan ayna toogteen.

"Ciidamada dowladda waxay toogasho ku dileen saddex ka tirsan xoogagga Al-shabaab waxayna ka qaateen saddex qori oo ay wateen," ayay yiraahdeen saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan degmada Baydhabo.

Warar madaxbannaan ayaa waxay sheegayaan in saddexdan ruux ay ku socdeen degmada Baydhabo; balse si lama filaan lagu weeraray, iyadoo warar aan la hubin ay sheegayaan inay doonayeen inay isku dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Ma jiro hadal ku saabsan dilka saddexdan dagaalyahan oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, iyadoo xalaadda deegaanki lagu dilay dhalinyaradan ay xasiloon tahay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin halkii lagu dilay saddexdan ruux, waxaana tani ay imaanaysaa xilli dhawaan uu dagaal ka dhacay deegaan u dhexeeya Bardaale iyo Yurkut, kaasoo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Degmooyinka Baydhabo, Qansax-dheere iyo Bardaale oo ka tirsan gobolka Bay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ay ka caawinayaan dagaalka ay kul jiraan Xarakada Al-shabaab.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya