4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay wax walba ku garab Isgaataan Soomaaliya
Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay munaasabad maanta loo qabtay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii Jabuuti ay xorriyadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ayaa sheegay inay wax walba ku garab-istaagayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Geelle oo khubaddii uu ugu talogalay maalinta xorriyadda dalkiisa ka jeediyay xarunta madaxtooyada dalkaas ayaa kaga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu ciidammo u diray Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

"Ciidammo ayaan u dirnay Soomaaliya, kuwaasoo naftooda u huraya sidii ay uga dhicin lahaayeen cadowga Al-Qaacida ee halkaas jooga. Sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay kusoo celin lahaa nabadda iyo sharafta walaalaheenna Soomaaliyeed," ayuu yiri Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dastuurka iyo doorashada madaxnimo ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo sheegay inay tahay guul weyn oo ay Soomaaliya kaga baxayso colaadaha ayna ugu gudbayso nabad iyo baraare.

"Waxba ka reeban maynno walaalaheenna Soomaaliyeed, waayo fulaynimo nama haysno mana jirto sabab aan wax uga reebanno, waxaa naga go'an inaan gurmadkii aan awoodno u fidinno," ayuu Geelle ku yiri khudbaddiisa.

Dalka Jabuuti ayaa waxay bishii Diseember ee sannadkan ay ciidamo u soo direen dalka Soomaaliya, kuwaasoo ku biiray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ciidamadaas la geeyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka howlgeli doonaan.

Kumannaan askarta dalka Jabuuti ka tirsan ayaa waxay dhoolla-tusyo kusoo bandhigeen bartamaha magaalada Jabuuti, iyadoo shacabka dalkaas ay aad uga qayb-qaadanayeen tan iyo xalay dabaal-dagyo loo sameynayay maalinta xorriyadda dalkaas.

Dalka Jabuuti ayaa xorriyadiisa ka qaatay Faransiiska sannadkii 1977-kii, waxaana dowladdii Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii gacanta weyn ka geystay sidii ay Jabuuti uga xoroobi lahayd gumeystihii Faransiiska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya