4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 27, 2012
Madaxweynaha Burundi oo sheegay in Ciidamadiisu aysan ka baxayn Soomaaliya inta nabadda laga soo celinayo

Arbaco, June 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas isaga soo bixi doonaan markii ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, sidoo kalena ay fasaxdo dowladda Soomaaliya oo ay caawinayaan.

Nkurunziza wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan iyagu dooran inay tagaan, balse ay ku tageen codsi kaga yimid Midowga Afrika, isagoo sheegay inay ciidamadooda ka shaqeynayaan sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.

"Annagu uma aanan tagin Soomaaliya inaan qabsanno, waxay ku timid rabitaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamka. Markii ay dhahdo dowladda Soomaaliya waan isku filannahay waana mahadsan tihiin ayay ciidamadeennu kusoo laaban doonaan dalkooda," ayuu yiri madaxweynaha Burundi.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan karo hanaankii dib u heshiisiinta ee ka aloosnayd dalkiisa, isagoo xusay in wadahadalladu ay yihiin kuwa keliya ee looga bixi karo dhibaatada taagan.

"Waxaanu shaki ku jirin in xaaladda ka taagan Soomaaliya mar uun lagu xallin doono wadahadal iyo is-faham, laakiin haddii koox ka mid ah kooxaha ay diidaan wadahadal taasi waxay keenaysaa in awood ciidan loo adeegsado," ayuu yiri Pierre Nkurunziza.

Dalalka Burundi iyo Soomaaliya waxay dagaallo sokeeye ka billowdeen sannadihii sagaashameedyadii iyadoo Burundi ay ku guuleysatay 10-sano kaddib inay xalliso dhibaatadeedii, balse Soomaaliya 20-sano oo dagaallo ah weli looma helin xal.

"Waxaan soo dhaweynaynaa in Soomaaliya ay kusoo biirto ururka ay leeyihiin bulshada bariga Afrika, taasi waxay xoojinaysaa awooddeenna," ayuu yiri Pierre oo ka jawaabayay su'aal ahayd sida uu arko codsiga DKMG ah ay ku doonayso inay uga midnoqoto ururka EAC.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi kuwaasoo qayb ka ah howlgalka lagu AMISOM ee lagu doonayo in lagu soo celiyo nabad ka dhalata Soomaaliya kaddib in ka badan labaatan sano oo colaado ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya