4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Wafdi ka socda Ururka Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo AMISOM oo Booqday Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Wafdi ka socday Ururka Midowga Afrika, IGAD, AMISOM oo ay ku jireen saraakiil ka socda dalka Sierra Leone iyo Mareykanka ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyagoo kulammo la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo xubnaha bulshada rayidka ah.

Xubnaha wafdigan oo ay wehliyeen saraakiil Soomaali ah ayaa waxay sheegeen in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen amaanka degmada ka jira, iyagoo sheegay in wax laga qaban doono degmooyinka kale ee ay weli ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.

Saraakiishan ayaa waxay si gooni ah kulan albaabbadu u xiran yihiin ula qaateen saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee Baydhabo ku sugan, iyadoo aan la ogeyn wixii ay kala hadleen.

Degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay kagana beegan Muqdisho dhinaca waqooyi-bari illaa 245-KM ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah ay sannadkan horraantiisa kala wareegay xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

Wafdigan oo ka dhoofay Muqdisho ayaa waxay gallinkii dambe ee maanta dib ugu ugu soo laabteen caasimadda Soomaaliya, mana jiro hadal ku saabsan booqashada wafdigan oo kasoo baxay maamulka gobolka Bay.

Tan iyo markii Al-shabaab lagala wareegay degmadan bishii Feberaayo ee sanadkan waxaa booqasho ku tagay wafdiyo kala duwan oo xaaladda degmadaas indho-indheyn ku sameynayay, waxaana degmadaas ku sugan 100-askari oo ka tirsan AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya