4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Xukuumada KMG Soomaaliya oo guddi farsamo u saartay xulidda ergooyinka ansixiya Dastuurka cusub ee Soomaaliya

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi ka shaqeeya xulitaanka ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ku magacaabay kulan aan caadi ahayn oo golaha wasiirradu DKMG ah ay ku yeesheen Muqdisho shalay oo Isniin ahayd.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa looga hadlay dastuurka iyo ammaanka, iyadoo golaha wasiirradu ay hambalyo ku aaddan dhameystirka qoraalka dastuurka ay u direen guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka.

"Shirkii ka dhacay Nairobi wuxuu mid taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waayo waxaa la isku afgartay nuqulkii ugu dambeeyay ee dastuurka qabyo qoraalka ah," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu goluhu ansixiyay guddi farsamo oo ka shaqeynaya soo xulidda ergada ansixint adastuurka, kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin:

  1. Bashiir Warsame Jama
  2. Inj. C/raxmaan Maxamed Cusmaan
  3. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
  4. Maxamed Cali Xayle
  5. Fowziyo Abiikar Nuur
  6. Daahir Warsame
  7. Jaamac Salaad Maxamed
  8. Saadaq Abshir Garaad
  9. Faadumo Jaamac Jabriil
  10. Faysa Maxamed Layli
  11. Prof. C/llaahi Xasan Xuseen
  12. Dr Yaasiin Saalax Cali
  13. Dayib Maxamed Cali
  14. C/risaaq Axmed Faarax
  15. Showqi Axmed Xuseen
  16. Xamad Xaaji Cali Xasan
  17. Xasan Axmed Ibraahim
  18. C/waaxid Sheekh Cismaan
  19. Saalim Macow Xaaji
  20. Cabdulle Axmed Yuusuf
  21. Abshir Warsame Jaamac
  22. Prof. C/llaahi Cismaan Hiirag
  23. Inj. Saalax Sheekh Cusmaan
  24. Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeto)
  25. Qaasim Iidoow Ibraahim
  26. Sheekh Qaasim Ibraahim
  27. Xaliimo Cumar Axmed

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya