4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 26, 2012
Xoogagga Xarakada Al-shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah oo ku Dagaalamay Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, June 26, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xarakada Al-shabaab ayaa u dagaalamay degmada badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, waxaana dagaalku uu ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askar katirsan Al-shabaab ay shalay gelinkii danbe weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen degmada Badhaadhe, waxaana labada dhinac gudaha degmada kudhexmaray dagaal saacado badan qaatay.

Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee gobolka Jubada Hoose Max'ed Faarah Daahir oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ay dib isaga caabiyeen, islamarkaasina ay ka dileen ilaa sedex dagaalyahan.

Sidoo kale masuulkani ayaa sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhaawacmeen ilaa sedex askari, wuxuuna sheegay in dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ay dib ugu celiyeen halkii ay markii hore kasoo duuleen.

Saraakiil iyana u hadashay Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, waxayna sheegeen in ay khasaarooyin lixaad leh u geysteen ciidamada huwanta ah, islamarkaasina ay gudaha u galeen degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Warar ka madax bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid aad u kulul islamarkaasina uu qaatay saacado badan, waxayna wararku intaasi ku darayaan in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay duleedka degmada Badhaadhe.

Illaa imika ma jiraan warar sugan oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, haseyeeshee warar aan lagu kalsoonaan karin ayaa sheegaya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen ilaa shan qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Dagaalladan kasoo cusboonaaday degmada Badhaadhe ee gobolka jubada Hoose ayaa kusoo beegmaya xilli degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran ay ku noolyihiin boqollaal qoys oo ay aad u liidato xaaladooda nololeed, kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaaro iyo dagaallo isbiirsaday oo ka dhacay deegaanadooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya