4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2012
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenaw


Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iiusl Wasaaraha dalka Itoobiya


Madaxa Xafiiska Madaxweynaha
Agaasinka Warfaafinta
Isniin, June 25, 2012

Addis Ababa, Itoobiya - Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenawi. Labada masuul ayaa ka wada’hadlay arrimo badan oo quseeya labada wadan, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaaliya iyo xukuumadiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyo badan, gaar’ahaan dhanka amniga iyo siyaasada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar’galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada dowlda Somaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka Ethiopia qaybo ka mid ah gobolada Somaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Sharif iyo Ra’iisul wasaare Melez ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka labada wadan, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab, sida korontada, dhismaha wadooyinka iyo biya galinta.

Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Sharif Sh. Axmed ayaa waxaa ku weheliyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Cabdullahi Haji Huseen iyo masuuliyiin kale.  


Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
[email protected]