8/23/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Itoobiya ugu dhoofay wadahadallo uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Dalkaas


Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxay maanta ka dhoofay Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wadfiga madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay inay kulammo la yeelan doonaan ra'iisul wasaaraha dalkaas, iyagoo kala hadli doono arrimo ay ka mid siyaasaddu ka mid tahay, waxaana sidoo kale ay ka hadli doonaan mashaariic dhaqaale oo dhex-mari doona labada dhinac.

Madaxa xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Suldaan A. Faarax Seed ayaa warbaahinta ugu sheegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho in safarka uu u dalka uga baxayo madaxweynuhu ku wajahan yahay dalka Itoobiya.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay uga gudbi doonaan Itoobiya dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo lagu wado inuu ka dhaco shir looga hadlayo burcadbadeedda.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan 26-ka Juun oo ku beegan markii gobollada waqooyi ay xorriyadooda ka qaateen Ingiriiska u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Somaliland isagoo xusay in sannadguuradan ay kusoo beegantay xilli ay socdaan wadahadallo u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in shacabka Somaliland ay muujiyeen doorkii kaga aaddanaa arrimaha Soomaaliya, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalka u billowday labada dhinac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya









Click here
6/25/2012 2:09 PM EST
Addis Ababa, Itoobiya - Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenawi.

6/25/2012 9:23 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/ramxaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xubnaha guddiga qoraalka dastuurka uu waqtigoodu dhamaaday ayna faraha kala baxaan arrimaha dastuurka.

6/25/2012 8:34 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kasoo horjeestay go'aankii odayaasha dhaqanka ee ahaa in tirada xildhibaannada baarlamaanka la kordhiyo lana gaarsiiyo 275-xubnood halka markii hore la qoondeeyay in laga dhigo 225-xubnood.

6/25/2012 8:31 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud ayaa sheegaya in saraaakiil Itoobiyaan ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca uu wada hadal uga bilaawday degmada.

6/25/2012 8:14 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ku sugna halkaas lagu wado inay la wareegaan ammaanka garoonka diyaaradaha ee Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya.

6/25/2012 7:07 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Qoysas dhowr ah oo ku dhaqan degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku xeeran ayaa ka cabanaya dhibaatooyin nolol xumo oo lasoo darsay, xilli mudooyinkii u danbeeyay ay goobahaasi ka taagnaayeen dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya.

6/25/2012 3:27 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Khilaafkan ayaa yimid kaddib markii guddiga madaxa-bannaan ee qoraalka dastuurka uu sheegay in madaxda DKMG ah ay u soo gudbiyeen dastuur kale oo ay sheegeen inay u gudbiyaan odayaasha ku shirsan Muqdisho, taasoo uu guddigu sheegay inay diideen.

6/25/2012 3:05 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 13-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray saddex qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Mishomoroni ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

6/25/2012 2:42 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa loo geeyay Muqdisho si ay uga fuliyaan howlo qarsoodi ah, sida uu baahiyay Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayna soo daabacday wakaaladda wararka Mareyanka ee AP.

6/25/2012 2:39 AM EST
Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal shalay gallinkii dambe ku dhexmaray ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo is-garabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.