Axad, June 24, 2012(HOL): Kooxda Jaaliyadda Isboortiga Soomaalida Vienna ee waddanka Austria waxa ay ka qeyb gashay tartan Isboorti oo sanadla ah oo loo qabto Jaaliyadaha Adduunka ee ku nool wadanka Austria gaar ahaan caasimada Vienna.
Kooxda Soomaalida oo ku jirtay group C oo ay kula jireen wadamada kala ah Vietnam, Spain,Afghanistan ,Bolivia, iyo Roma Italy, wax ayna u dhaceen kulmada sidan:Somalia vs Bolivia 1-0Somalia vs Spain 2-2Somalia vs Afganhistan 0-1Somalia vs Vietnam 1-1Somalia vs Roma italy 2-1
Jaaliyadda Soomaalida oo sanakdi ugu horreyay ka qeybgashay tartankan ayaa guul taariikhi ah ka soo hoysay tartankan Jaaliyadaha Adduunka ee lagu qabtay magaalada Vienna ee dalka Austria.Austrian Somali Sports CoordinatiorAhmed Sadaq Hassan JimaaleVienna, Austria