4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Dadka ay abaartu saamaysay waxaa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys”


Axad, Juun,24, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa baaq gurmad ah ujeediyey hay’adaha caalamiga, kuwa Qaramadda midoobay iyo kuwa Wadaniga ah inay si degdeg ah ugu gurmadaan abaar adag oo ka jirta qaar ka mid ah goboladda Somaliland ah, kuwaas oo uu sheegay inay labaatan kun oo qof saamayn ku yeelatay.

Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula kulmay hay’adaha samafalka kuwa caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba, waxaanu ka dalbaday inay gurmad degdeg ah gaadhsiiyaan dadkaasi, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay Biyo, cunto iyo dawooyin.

“Sidii la odorosay sanadkan horaantiisii roobkii gu’ga da’ay wuu ka yaraa guud ahaan intii la heli jiray mxiliga guga. wuxuu ahaa teel teel aan sinayn, meelo si wanaagsanbuu uga da’ay meelo wuu ku yaraa meelana maba helin, meelaha ugu daran ee roobku seegay waxa ka mid  jiida xeebaha  gobolada Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag oo seddex sano oo isku xiga roob ka Di’in”ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siillaanyo oo ka hadlayey meelaha ugu daran ee abaartu ka jirto.

“Warbixinaha naga soo gaadhaya Maamulada deegaanadaasi, dadweynaha, hay’addaha samafalka  iyo wasaaraduhuba waxay tilmaamayaan in deegaanadaasi ku suganyihiin xaalad aad u adag oo ay ka taagantahay abaar ba’an, xaaluf, biyo la,aan, iyo cunto yari”ayuu raaciyey, waxaanu intaas ku daray “Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo daro iyo macaluuuli hayso, in badana barakacday oo ay ku soo urureen tuulooyinka deegaanadaasi sida, Garbo dadar, Gargaara, Waraqa dhigta, Calixaydh , Ceel la helay,  Fadhi xun, Ceelgaal, Fiqi aadan, Geerisa, Bulaxaar, xagal, Berbera, Beeyo dhaadheer, Raarida buur, Laasdhuure iyo  tuulooyinka Huluul xaga xeebta ka xiga”


Madaxweynuhu waxa uu xusay in saamayn ku yeelatay labaatan kun oo qoys “Dadka ay abaartu saamaysay waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys, Dadkaasi waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo iskugu jira cunto, biyo, daawo iyo hoyba, haddii aan si degdeg ah loogu gurmana waxa jirta cabsi  in badani gaar ahaan dadka jilicsan, sida caruurta iyo waayeelku u dhintaan  gaajo iyo haraad”.

Madaxweynuhu waxa uu baaq u kala diray Haay’adaha Qaramada midoobay, Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, Hay’adaha wadaniga ah iyo dhamaan shacabka reer Somalilandba inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu saameeyeen.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland