4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Hay'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Odoayaasha dhaqaanka Siminnaar ugu qabtay Magaalada Muqdisho
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Hay'adda midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay sida qoysaska loogu saleyn dhaqanka suuban iyo caqiidada ugu qabatay Muqdisho odayaasha dhaqanka.



Guddoomiyaha UYS Ciise Xasan Diinax oo hadal ku furay siminnaarka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qayb-galo siminaarka odayaasha loo qabtay isagoo bogaadiyay ifafaalaha nabadeed ee ka jira Muqdisho.

"Waxaa sharaf ii ah inaan kasoo qayb-galo siminaarkan, odayaasha dhaqanka door wanaagsan ayay nabada ka qaadan karaan, dalka wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah, waxaa loo baahan yahay in la xasiliyo, nabaddana la xoojiyo," ayuu yiri Ciise Diinax oo sheegay in Muqdisho uu ka muuqdo isbedel weyn.

C/llaahi Cali Aadan (Baarbe) oo ka yimid magaalada Nashville ee gobolka Tennesee ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in howlo wanaagsan ay saxaafaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, isagoo xusay inuu soo dhaweynayo isbedelka ka dhacay Muqdisho.




"Waxaan la soconnaa is-bedelada dalka ka dhacay iyo nabadda sida loogu heelan yahay, jaaliyadda Nashville waxaa idinkaga sidaa salaan, qurbaha waxaa ka jira cariiri, waa meel qabow dadka u baahan cimilo wanaagsan dalkeena ayay taallaa, nabadda aan heysanno haddaan xoojino carruurteenna iyo innagaba dalka dib ayaa ugu soo laaban karnaa, marxalado kala duwan la soo maray," sidaa yiri Cabdullaahi Baarbe.

Xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaaladaha dalka ka jira ay dhibaato badan kasoo gaartay haweenka iyo caruurta oo u nugul dhibaatada; waxaana intaa ku daray in sida kaliya ee looga hortegi karo ay tahay in xaqa ay leeyihiin dadkaas la muujiyo, dadkana wanaagga la faro.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah nabaddoonada ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu xoojin karo dhaqamada bulshada ay tahay inay isku xirnaadaan qaybaha bulshada Soomaaliyed, gaar ahaan odayaasha dhaqankana ay hormuud u noqdaan.



Sidoo kale, waxaa ka hadlay siminaarka C/llaahi Cabdulle Wehliye, Xasan Maxamed Diirshe iyo nabaddoon Maxamed Jaamac oo ka mid ah guddiga odayaasha dhaqanka iyagoo ku baaqay in la xoojiyo isku xirka bulshada.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray Abuukar Sheekh Cusmaan (Abukar Ganey) isagoo sheegay inay uga mahad-celinayaan hay'adda UYS, siminaarrada iyo dood-cilmiyeedyada ay u qabtaan odayaasha, isagoo ugu baaqay ka qayb-galayaasha in waxyaabaha ay ka faa'ideystaan ay u gudbiyaan bulshada inteeda kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya