4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madexnimo Soomaaliya
Warsame 1.jpg
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Xidhihbaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isku soo taagay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo kaga dhawaaqay inuu murashax yahay xaflad Sabtidii shalay ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda uu xildhibaanku kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa siyaasiyiin, culumaa'uddiin, salaadiin, dhallinyaro iyo haween, iyadoo goobta ay hadallo kala duwan ka jeediyeen xubnihii kasoo goobjoogayaasha ahaa qaarkood.

“Siirada nebiga(CSWS) ayaan ka bartay inaan loo baahnayn in hoggaamiyuhu dhib ka sheekeeyo,” ayuu hadalkiisa ku billaabay C/raxmaan C/shakuur isagoo raaciyay: "Uma baahnin inaan dhibta ku celcelinno waxaanse u baahan nahay hoggaan higsi ama ujeeddo leh.”

Murashaxu wuxuu sheegay in haddii uu guuleysto uu dalka ka dhalin doono amni uuna ku hoggaamin doono caadaalad, sidoo kalena uu xoogga saari doono arrimaha dibadda, uuna la dagaalami doono kooxaha xag-jirka ah.
 
“Anigu haddii la i doorto waxaa aan muhimadda koowaad siinayaa dhismaha saddex hay’adood oo tiir dhexaad u ah dowlad salka dhigata. Isagoo ku sheegay ,” ayuu yiri isagoo hay'adahaas ku tilmaamay amniga, garsoorka iyo dhaqaalaha.

Warsame 2.jpg

“Nabaddu sideedaba waa in muwaadinku dareemaa ammaan iyo xasilooni, taasna caddaalad la'aan lama helayo," ayuu mar kale yiri. “Somaliya mar kasta waxay ku fashilmeysay siyaasadda arrimaha dibadda, taasna xoogga ayaan saarayaa."

Sidoo kale, murashaxu wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan ku filnayn in milateri ahaan loola dagaalamo, isagoo sheegay in firkir kale oo ah in la caddeeyo fikirka ay haystaan ay tahay midda lagula dagaalami karo, isagoo xusay in markii culumada Islaamku ay ku sheegeen dhaqankooda mid ka baxsan diinta Islaamka ay aad u qal-qaleen.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa waxaa erayadiisii ka mid ahaa: “Waan ogaa in C/raxmaan yahay aqoon-yahayn waddani ah, waxaanse maanta ogaaday inuu geesi yahay.”

Mas'uuliyiintii kale ee goobta ka hadlay ayaa iyaguna waxay amaaneen murashaxa iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan ayna taageerayaan, waxaana uu ka mid noqonayaa xildhibaan C/raxmaan C/sharkuu oo wasiir soo noqday murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Warsame 3.jpg
Warsame 5.jpg
Warsame 4.jpg
Warsame 6.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya