4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2012
Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo sheegay inay la wareegeen Garoonka Cisalleey iyo Dekedda Ceel-Macaan

Sabti, June 23, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMSIOM ayaa sheegtay inay shalay la wareegeen dekedda garoonka diyaaradaha Cisalleey iyo dekedda macmalka ah ee Ceel-macaan oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Cisalleey iyo dekedda Ceel-macaan ayaa waxay 37-KM kaga beegan yihiin magaalada Muqdisho dhinaca waqooyi-bari, halkaasoo ay DKMG ah iyo AMISOM sheegeen inay Al-shabaab ka dhoofin jireen hub.

"Howlgalka lagula wareegay labadan goobood waxaa si wadajir ah u qaaday ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, waxayna sugayaan ammaanka goobahaas," ayuu yiri taliyaha AMISOM, Andrew Gutti.

Taliyaha AMISOM wuxuu sheegay in intii uu howlgalku socday ay ku furteen sagaal qoryaha culus ee daran-doorriga u dhaca ah oo ay isticmaalayeen xoogagga Al-shabaab iyo weliba qorhaha fudud.

Saraakiil u hadlay dowladda KMG ah ayaa iyaguna sheegay in deegaannada lagala wareegay Al-shabaab ay ka tirsan yihiin gobolka Shabeellada dhexe, howgalkuna uu qayb ka yahay howgallo gobollada dalka looga saarayo Al-shabaab.

"Intii uu howgalku socday waxaan ku dilay 11-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena waxaan kaga furanay hub," ayuu yiri Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin goobahan ay sheegeen AMISOM iyo DKMG ah inay kal wareegeen, sidoo kalena saraakiisha labada dowladda KMG iyo ciidanka Midowga Afrika ma aysan sheegin khasaare dhankooda soo gaaray intii howlgalka ay ku jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya