4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland oo caaqil ku caleema saaratay magaalada Hargeysa


Jimco, June 22, 2012(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaamisay isla markaana lagu caleemo saarayay Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland Caaqil  Cali Maxamed Ibraahim “Cali Iraaqi” ayaa maanta ka dhacday Hall-ka City Center Hotel ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Odayaal, waxgarad, ganacsato, dhalinyaro, arday iyo haween aad u tiro badan oo ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle iyo marti sharaf kale oo isugu jira kuwa u dhashay Somaliland iyo kuwa kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa xafladda lagu furay aayadaha qur’aanka Kariimka ah, waxaana markaa kaddib cod baahiyaha lagu soo dhoweeyey Ustaad Cabdul Qaadir Abuukar Cismaan si xaflada  uu u furo isla markaana uu kusoo dhoweeyo marti sharafta kasoo qeyb gashay caleemo saarka Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland Caaqil Cali Maxamed Ibraahim “Cali Iraaqi”.

Intaas kaddib waxaa la guda-galay barnaamijyada xafladda, waxaana meesha ugu horreyn hadalka la siiyey Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa dadkii qaban qaabiyey xafladda Caleemo saarka,waxaana uu ka sheekeeyey marxaladdii kala duwanaa ee la soo maray isagoo Beesha Digil iyo Mirifle ugu baaqay in ay midnimada ku dadaalaan, ayna la shaqeeyaan Caaqilka Cusub.


Sh. Mursal Maxamed Nuur oo ka mid ahaa dadkii munaasabadda ka hadlay xafladda ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyey taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan midda Beesha Digil iyo Mirifle isagoo tilmaamay in Soomaali oo dhan ay kasoo jeedaan Reer Caqiil Bin Abii Daalib halka Beesha Digil iyo Miriflana uu sheegay in ay ku abtirsato Cumar Caqiil Bin Abdii Dhaalib.

Odayaal, Aqoonyahano,dhalinyaro iyo marti sharaf ayaa sidoo kale ka hadlay waxaana ka mid ahaa dadkaas Caaqil ka socday Beesha Arab Sh. Isxaaq Caaqil Axmed Maxamed Cumar, Aqoonyahan Makaa’il Shariif Axmed iyo Qoraaga Weyn C/Qaadir Nuur Xuseen Maax oo kalmad qiimo badan ka jeediyey madashaas, isagoo sheegay in dadka Digil iyo Mirifle ay yihiin dad ahlu Diin ah oo aad u ixtiraam badan.

Ugu dambeyntii waxaa meesha khudbad qiiro leh kasoo jeediyey Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland Caaqil Cali Maxamed Ibraahim “Cali Iraaqi” waxaana ugu horeyn mahad u jeediyey Dowladda Somaliland oo uu sheegay in si weyn ay u soo dhoweysay maantana ay u ogolaatay xafladdan quruxda badan in ay qabsadaan.


Caaqilka ayaa ugu baaqay beesha Digil iyo Mirifle xilka ay u doorteen in ay la garab istaagaan isagoo sheegay in qof kaligii uusan waxba qaban karin, waxaana uu ballan qaaday inuu ku dadaali doono isku xirka iyo midnimada Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland sida midka xanuunsan, kan qatan iyo kan dhibaato kale heysato lala socdo.

Waxaa xafladii maanta lagu soo gabagabeeyey ducada Sh. Axmed Abuukar Maxamed iyadoo markaa ka dibna aayadaha quraanka lagu soo xiray.