4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Qarax Saakay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Saakay waabarigii hore ayaa waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay qarax illaa hadda aan la kala ogeyn inuu ahaa bam kuwa gacanta laga tuuro ah iyo miinooyinka meelaha fog laga hago.

Qaraxa kaddib ayaa howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka gobolka waxay ku dileen nin dhalinyarro ah oo sida la sheegay ciidamada uga shakiyeen inuu ahaa ruuxii qaraxa geystay walow aysan jirin cid ka tirsan saraakiisha maamulka oo arrinta ka hadashay.

Xilliga uu qaraxu dhacay oo ahayd aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa xirnaa goobaha ganacsiga magaalada mana jirin wax isku socod ah oo sameynayeen dadka iyo gadiidka, marka laga reebo ciidamada maamulka iyo kuwa Itoobiya oo subax kasta aroor hore magaalada ka sameeya baaritaanno la xiriira walxaha qarxa qeybna ka ah howlgalada lagu sugayo amaanka.

Qarax saakay dhacay ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii ugu dambeeyay ay ciidamada maamul gobollku ka wadeen xaafado magaalada ka tirsan howlgal gaar ah oo ay ku soo qabteen walxaha qarxa iyo dad sida ay sheegeen lagu tuhusan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Magaalada Beledweyne oo bilihii ugu danbeeyayba ay gacanta ku hayeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militari ka helay kuwa Itoobiya ayaa marar badan oo hore waxaa sidan oo kale uga dhacay qaraxyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya