4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2012
Faafaahin ku saabsan Wadahadallada Magaalada London ku dhexmaraya Ergooyinka Soomaaliya iyo Somaliland

Khamiis, June 21, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo magaalada London ee dalka Britain ayaa sheegaya in shirkii uga furmay ergooyinka ka socday Soomaaliya iyo Somaliland ee ka furmay duleedka bari ee magaaldaas aan wax natiijo ah weli laga gaarin.

Ergooyinka ayaa la sheegay inay doodo adag yeesheen shantii saac ee shalay uu shirkoodu socday, waxaana lagu wadaa in maanta oo dhanna uu socdo, iyadoo ay sheegayaan wararka qaarkood in maalin kale ay wadahadalladu sii socon karaan.

Inkastoo aan saxaafadda loo ogoleyn halka uu ka socdo shirka ayaa haddana waxaa si aad u yar looga helayaa warar kuwaasoo sheegaya in labada dhinac aysan weli isku afgaran qodobbada ay ka doodayaan.

Qodobbada ay ka doodayaan ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin: sidii uu labada dhinac xiriir u dhex-mari lahaa, kaasoo ku saleysan iskaashi, nabadgalyada oo laga wada shaqeeyo iyo sidii la isugu soo dhawaan lahaa.

Xubnaha ka socda Somaliland ayaa la sheegay inay ku adkeysanayaan in fikirkooda shirka uu yahay inay helaan ogolaasho ku aaddan in madaxbannaanida Somaliland la ogolaado, iyadoo xubnaha ka socda Soomaaliya ay iyaguna dalbanayaan in marka hore la isfahmo kaddibna laga hadlo waxyaabaha kale.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ka socda shan xubnood oo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka uu horkacayo iyadoo sidoo kalena ay ka socdaan dhinaca Somaliland shan xubnood uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda.

Wadahadalladan oo ah kuwii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Somalia iyo Somaliland ayaa aad uga adag sidii la filyay, iyadoo aan la ogeyn natiijada kasoo bixi karta, waxaana natiijada kasoo baxda kawada hadli doona madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya