4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Koob Kubadda Cagta ah oo ay ka qeybgaleen caruur Soomaaliyeed oo lagu qabtay Örebro-Sweden


Araca, June 20, 2012-Waxaa magaalada Örebro ee dalka Sweden lagu qabtay koob Kubadda Cagta ah oo ay ka qeybgaleen Caruur Soomaaliyeed oo magaaladaas ku nool, kuwasi oo da’dooda ay u dhaxeyso 8—9 sano jir.

Tartankan oo ahaa mid ay walaaidiinta dhalay caruurta aad ugu riyaaqeen ayaa waxaa ka qeybgalay 5 kooxood oo u ciyaaray qaabkan:

1-BK Forward.Lundby Vs Simon SK 2-6
2-Simon SK   Vs Sturehov  7-1
3-Örebro SK FK Vit  Vs Simon SK 3-4
4-Simon SK  Vs  IK SturehovRöd  8-2

Kooxda Dhallaanka Soomaalida ee Simon SK ayaa koobkan ku hoggaamisay 12 dhibcood, iyadoo dadkii u soo daawasho tegayna ay si weyn u jecleysteen ciyaarta ay soo bandhigeen caruurta Soomaalida eek u nool magaalada Örebro.

Ciyaar wanaagga ay la soo baxeen caruurta Soomaalida ayaa si weyn loogu ammaanay tababarayaasha kooxda oo kala ah Daa’uud Aweys iyo Cabdirashiid Daahir oo iyagu si weyn isugu howlay in ay caruurta tababarro siiyaan si ay ugu wanaagsanaadaan Kubadda Cagta.


Caruurtan mustaqbalka ku leh ciyaarta Kubadda Cagta ayaa waxaa qaab ciyaareedkooda ka helay mas’uuliyiin ka socday magaalooyin kale, kuwaasi oo codsaday in ciyaartoyda kooxda Simon SK ay ciyaar saaxibtinimo ah la yeeshaan, wuxuuna dalabkaas uga yimid magaalada Skyllberg, iyadoo ciyaarta labada magaalo dhex mari doontana ay dhici doonto bisha 7aad dhexdeeda.

Runtii Caruurtan da’dooda u dhaxeyso 8—9 sano ayaa waxaa ka muuqata hibo ah in ay leeyihiin xirfad dhinaca Kubadda Cagta ah, taasi oo markii ay soo koraan ay hubanti tahay in ay ka soo muuqdaan fagaarayaasha Isboortiga ee ku yaalla meelaha ay degan yihiin bulshooyinka ay la nool yihiin.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]