4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Dhakhaatiirta Somaliland ugu baaqay inay Gacan ka gaystaan Abaaraha ka jira Dalka

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay isugu yimaadeen dhakhaatiirta Somaliland ee gobolladda iyo degmooyinka ku kala sugan, kaasoo ka qabsoomay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan Dhakhaatiirtu iskugu yimaadeen ayaa lagu lafa gurayey qaabkii loo horumarin lahaa Caafimaadka Bulshadda iyo sida loo ilaalin lahaa xirfadoodda caafimaad oo kaalin muhiim ah kaga jirta nolosha bani’aadamka, isla markaana dhakhaatiirtu u noqon lahayd goob caafimaadka laga helo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in kulankan balaadhan ee dhakhaatiirtu iskugu timid uu ka soo qaybgalo, waxaanu tilmaamay inay jiraan dhaqamo xun xun oo luminaya xirfadda dhakhtarnimo, sidaa darteed loo baahan yahay in si wada jir ah looga baxo carqaladaasi aan u fiicnayn Dhakhtarnimadda.

"Qofka bukaan jiifka ah ama Buka waa in si fiican loo daryeelaa, Adigo qofka ka shaqaysanaya haddana waa in si wanaagsan loo daryeellaa, waxaan idinku boorinaya nadaafaddu waa muhiim markaa qofkasta halka loogu imanayaa waa inuu nadaafadeedda hagaajiyaa"ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu intaas ku daray "waa in anshixii dhakhtarnimo la soo celiyaa oo la hagaajiyaa"ayuu raaciyey.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu ku booriyey dhakhaatiirta in Abaaraha ka jira dalka loo baahan yahay in dhakhaatiirtu qayb libaaxle ka qaataan oo ay tagaan Deegaanadda laga soo sheegayo Abaaraha oo dadka taagta daran daweeyaan.

"maanta dalka abaaraha ka jira, waa inaad itaalkiina ka qaybqaadataan oo si iskaa wax u qabso ah aad u tagtaan dadka tuulooyinka jooga ee dhibaataysan waxaad u qaban kartaa wax u qabataan"ayuu ku guubaabiyey madaxweyne ku xigeenku dhakhaatiirta Somaliland.

Sidoo kale, waxa iyana kulankaasi ka hadashay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Somaliland, Nimco Xuseen Qawdhan ayaa u mahad celisay qabanqaabadda uu ururka Dhakhaatiirta Somaliland soo qaban qaabisey, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga shaqeeyo arrimaha caafimaadka ee Somaliland.

Sidoo kale, waxa ay eed usoo jeedisay xarumaha dhirta lagu daweeyo ee Cilaajka looyaqaan oo ay sheegtay inay dhibaato badan ku hayaan dadka loo geeyo, iyadoo xustay in loo baahan yahay 250 Xarumood ee dawo dhaqameedka ee ka jira Somaliland in wax laga qabto, waxa kale oo ay dhaliishay farmasiyaashu ay dadka siiyaan dawooyin aanu dhakhtar u qorin, taasina ay tahay khalad.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Dhakhaatiirka Somaliland ayaa waxa ka hadlay gudoomiyaha ururkaasi Dr:Axmed Cabdi Obolos oo sheegay in go’aamo laga soo saari doono waxyaalihii lidiga ku ah caafimaadka ee halkaas laga sheegay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland