4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Shir looga hadlayo Mustaqbalka Soomaaliya oo Dowladda KMG ah iyo Somaliland uga furmay duleedka Magaalada London

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Shirkan oo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya ee ay yeelanayaan xubnaha ka socda Soomaaliya iyo Somaliland oo socon doona laba maalmood ayaa looga hadli doonaa sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinac walba ah.

Dublamaasiyiin ka socda dalalka midowga Yurub, Norway iyo Britain oo shirka marti-gelinaysa ayaa lagu wadaa inay goobjoog ka ahaadaan wadahadallada maadaama ay ujeedooyinka dhinacyadu yihiin kuwo aad u kala fog.

Shirka ayaa socon doona gellinka dambe ee maanta iyo berri oo dhan, waxayna isku dayayaan dalalka ka qaybgalaya inay labada dhinac isku soo dhaweeyaan, iyadoo xubnaha ka socda Somaliland ay sheegeen in ujeeddada ugu weyn ee ay shirka ka leeyihiin ay tahay sidii ay aqoonsi ku heli lahaayeen.

Xubnaha ka socda dowladda KMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay labada dhinac heshiis uga gaari lahaayeen is-faham-waaga muddada dheer soo jirtay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya.

Kulankan ayaa wuxuu qayb ka ahaa qodobbadii kasoo baxa shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee bishii Feberaayo sannadkan ka dhacay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo aan saadaal laga bixin karin waxa kasoo bixi shirkan.

Haddii shirkan la isku af-garto waxaa lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta inkastoo aan la ogeyn waxay kulankooda uga hadli doonaan.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale bishii May ee sannadkii 1991-kii ayaa waxay muddo badan baadi-goob ugu jirtay sidii ay ku heli lahayd madaxbannaani, halka madaxda dowladda KMG ah ay sheegeen in shirkan ay uga faa'iideysanayaan in dib loo mideeyo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya