4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Kooxda Raaskambooni oo hay'adaha gargaarka ka dalbay inay howlihii samafalka ka bilaabaan deegaannada laga saaray Al-shabaab

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Kooxda Raaskambooni oo ka barbar dagaalanta ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay'adaha gargaarka inay howlahooda ka billaabaan deegaannadii laga saaray Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka kooxda Raaskambooni, Maxamed Ibraahim Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Niarobi kaddib kulan ay layeesheen saraakiil Kenyan ah ayaa sheegay in hay'adaha samofalka ay ku boorrinayaan inay caawiyaan dadka ku nool deegaannadii Al-shabaab laga saaray.

"Waxaan moodaynay in haddii Al-shabaab laga saaro deegaannada Koonfurta dalka ay hay'aduhu caawin doonaan dadka ku nool, balse taas ma dhicin, balse waxaan ku boorrinaynaa inay howlahooda ka billaabi karaan waayo waa nabad," ayuu yiri Maxamed Ibraahim.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenku Raaskabnooni wuxuu daaha ka rogay inaan loo dhameyn hoggaanka ciidamada sida wadajirka ah uga dagaalamaya Koonfurta dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in maamulka la wadaago.

"Dagaallada ka socda Koonfurta Soomaaliya horumar ayaa laga gaaray, cadowgii ku sugnaana waa laga saaray, waxaana qorshuhu yahay in dhawaan la tago Kismaayo," ayuu yiri guddoomiye xigeenka oo sheegay in dhankooda ay ka go'an tahay inay dagaalka wadaan.

Ugu dambeyn, mas'uulkan wuxuu u mahadceliyay ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay gacan weyn ku siiyeen sidii Al-shabaab deegaanno badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla looga saari lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya