4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2012
Dowladda KMG Soomaaliya iyo Somaliland oo shir Xasaasi ah uu uga furmaya Maanta Magaalada London

Arbaco, June 20, 2012 (HOL) — Magaalada London ee xarunta dalka Britain ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo shirkii ugu horreeyay oo Soomaaliya iyo Somaliland ay uga hadlayaan mustaqbalkooda, kaasoo socon doona laba maalmood.

Madaxda labada dhinac ayaa waxay shirkaas u magacaabeen min shax xubnmood oo dhammaantood ku sugan London, iyadoo aan la ogeyn ajandayaasha looga hadli doono, balse waa shir adag marka la eego mowqifyada ay kala taagan labada dhinac.

"Danta weyn ee shirkan aan ka leennahay waa inaan ka helno himilada Somaliland ay aamisan tahay oo ah inay hesho aqoonsi dowladnimo, madaxbannaanideennuna waa muhiimadda koowaad ee aan leennahay oo aanan ka laabanayn," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo hoggaaminaya ergada Somaliland ku matalaysa shirka London.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo hoggaaminaya wafdiga DKMG ah ee shirkaas uga qaybgalaya ayaa in uu rumeysan yahay inay imaan karaan caqabado, balse haddii dadku ay wadahadal yeeshaan ay wax isla meel dhigi karaan.

"Haddii dadku wadahadlaan waxbay isla fahmaan, waa imaan karaan caqabado, mana ahan kuwo ku dhammaan kara maanta iyo berri, balse waxaa loo baahan yahay in si deggen loo eego wax walba, ugu dambeynna waa la is-fahmi karaa," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Madaxda Soomaalida oo uu ku jiro Shariif Sheekh Axmed ayaa shirkan ku tilmaamay mid dib loogu soo celinayo midnimadii iyo wadajirkii Soomaaliya, iyagoo rajo-weyn ka muujiyay in natiijooyinka shirka kasoo baxa ay noqon doonaan kuwo wanaagsan.

Jamhuuriyadii Soomaaliya oo ka koobnayd gobolladii uu Ingiriisku gumeysan jiray oo xoroobay 26-kii Juun, 1960-kii iyo gobolladii uu Talyaanigu gumeysan jiray oo iyana xoroobay 01-dii July, 1960-kii ayaa waxaa madmadow uu soo dhexgalay markii la riday dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Somaliland ayaa sheegtay inay gooni uga go'day Soomaaliya inteeda kale, sannadkii 1992-kii, iyadoo taas sabab uga dhigtay tacadiyo iyo gabood-fallo loo geystay, basle waxaa la sugayaa natiijooyinka kasoo shirka maanta London ka furmaya.

Dowladaha Britain, Norway iyo ururka Midowga Yurub ayaa shirkan maalgelinayo iyadoo xubno ka mid ah ay ka qaybgalayaan, balse wadahadallada ayaa ah kuwo u dhexeyn doona dhinacyada Soomaalida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya