4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak iyo Wasiirkiisii Arrimaha Gudaha oo lagu xukumay Xabsi daa'in ah


Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak iyo wasiirkii arrimaha gudaha Xabiib Cadli ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in kaddib dacwado socday tan iyo markii xukunka laga tuuray Mubaarak.

Mr. Mubaarak oo xukumayay dalka Masar muddo 30-sano ah ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dilka kumannaan dibad-baxayaal ah oo dowladda kasoo horjeeday sannadkii hore, sidoo kalena uu ku-takri-fal dhinaca awoodda ah intii uu xukunka dalkaas hayay.

Xabiib Cadli ayaa isna lagu eedeeyay inuu gacan ku siiyay madaxweynihii hore dhibaatooyinkii uu ka geystay dalka Masar, waxaana maxkamaddu mas'uuliyiintan ku heshay dambiyada lagu eedeeyay.

Dacwadda Maxkamaddu u akhrisay dadweynaha Masar oo xukunka sugayay laguma sheegin in madaxweynaha dalka Masar uu bixiyay amarka lagu dilay 840-qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaashii dalbanayay inuu xukunka ka dego, balse waxaa lagu sheegay dacwadda inuusan isku taxluujin inuu jooji dhiiggaas qubanaya.

Mubaarak ayaa la sheegay inuu xanuunsan yahay, uuna ku jiro isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira. Ma cadda in loo wareejin doono xabsi iyo inuu isbitaalka ku jiri doono.

Dadweynaha dalka Masar ayaa xukunka kaddib codsaday in maxkamaddu ay sidoo kale xukunno ku riddo dadkii la shaqeyn jiray Mubaaarak oo uu ku jir murashaxa madaxweynenimo ee dalka Masar, Axmed Shafiiq.

"Mubaarak iyo Cadli waa inaan loo ogolaan inay dacwad kale furi karaan," ayuu yiri Maxamed Ibraahim oo sheegay in walaalkiis lagu dilay kacdoonkii laug dalbanayay inuu Mubaarak xilka ka dago bishii Jannaayo sannadkii 2011. "Haddii labadan qof ay ka baxsadeen xukun dil ah, waa inaan loo ogolaan abiil."

Wiilasha uu dhalay madaxweynihii hore ee Masar oo lagu kala magacaabo Jamaal iyo Calaa ayaa iyagana xukunkan oo kale mudan doona iyadoo loo hayso ku takri-fal dhinaca dhaqaalaha ah.

Mubaarak oo xukunka dalka Masar qabtay sannadkii 1981-kii kaddib markii la dilay madaxweynihii ka horreeyay Anwar Sadaat ayaa waxaa qolka maxkamaddu ka dhacaysay looga qaaday diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicpter-ka loo yaqaan.

Xukunkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dalka Masar ay ka socoto doorasho lagu soo dooranayo madaxweynaha cusub ee dalkaas xukumaya kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Xusni Mubaarak muddo hal sano laga joogo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya